Boqorkii Sacuudiga Cabdalla oo Geeriyooday.

0
55

abdalaALLAH ha u naxariistii waxaa caawa geeriyooday Boqorkii boqortooyada Sacuudiga Boqor Cabdalla bin Cabdulcasiis boqorka oo mudooyinkanba xanuunsanaa ayaa waxaa caawa war kasoo baxay Xafiiska Diiwaanul Malakiga lagu sheegay in Boqorku geeriyooday caawa saacadu kolkay ahay 1:00 Am amaba Todobo saac oo habeen-nimo waqtiga Sacuudiga sidoo kale ayaa Bayaankan kasoo baxay Diiwaanul Malakiga lagu sheegay in Ku xigeenkiisiina loo dhiibay xilka Boqornimo Salmaan bin Cabdilcasiis

salmaan

halka Boqor Salmaana ku xigeen loogaga dhigay Muqrin Bin Cabdilcasiis.

muqrin
Boqorkan geeriyooday ee Boqor Cabdalla bin Cabdilcasiis ayaa waxa uu dhashay sanadkii 1924kii waxaana xilka Boqortooyada uu qabtay sanadii 2005tii.ALLAH ha u naxariistee Boqorka waxaa la aasi doonaa maanta oo Jimce ah salaada Casirka ka dib iyadoo Janaazaduna loogu tukan doono masjidka weyn ee Imaam Turki Bin Abdullah oo ku yaal magaalada Riyaad caasimada Boqortooyada Sacudi Arabiya.

ALLAH ha u naxariisto Boqor Cabdalla.