Booqashadii uu Madaxweynaha Turkiga Ku Iman Lahaa Somaliya oo Dib U Dhac Ku Timid Si Uu Uga Qeyb Galo Aaska Boqor Cabdalla

0
31

erdoganMadaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu booqasho ku imaanayo Soomaaliya Axadda soo socota oo ku beegan 25-ka bishan Jannaayo, kaddib markii uu u baaqday safar uu maanta ku imaan lahaa Muqdisho geeriyda boqorkii Sucuudiga.

“Waxaan go’aansannay inaan aadno Riyadh oo aan kaga qaybgalayo aaska boqorka Saudi Arabia Cabdalla Bin C/casiis. Balse waan sii wadayaa safarkii aan ku tegi lahaa Somalia iyo Jabuuti,” ayuu Erdogan u sheegay koox wariyeyaal ah oo uu kula hadlay Addis Ababa.

Erdogan ayaa filayaa inay aaska boqorka Cabdalla kaddib uu booqdo dalka Jabuuti, isagoo uga sii gudbi doona dalka Soomaaliya, waxaase warar xafiiskiisa laga helay ay sheegaya in booqashada ee Somalia ay noqon doonto Axadda soo socota.

Xukuumadda Somalia ayaan weli ka hadlin xilliga uu madaxweynaha Turkigu imaanayo Somalia, iyadoo ay weli xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Soomaliya, kuwaasoo loo xiray imaanshaha Erdogan.