Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Maanta Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
27

erdogan-somaliMadaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow soo gaaray Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Diyaaradda siday madaxweynaha Turkiga oo ah mid aad u weyn ayaa soo cago-dhigatay 11:10 barqonimo ee maanta, iyadoo xaflad weyn garoonka loogu qabtay wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Turkiga.

Erdogan ayaa lagu wada inuu furo mashaariic kala duwan oo ay Turkigu ka hir-geliyeen Muqdisho, kuwaasoo ay qayb ka yihiin Terminal cusub oo laga hirgeliyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wuxuu salaam ka qaatay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhiniciisa uu taagan yahay Xasan Sh. Maxamuud, iyadoo kooxda bambeyda ay garaaceen muusiga astaanta u ah labada calan ee Soomaaliya iyo Turkiga.