Hantidhowrka Guud Ee Somalia oo Maanta Shir Jaraaid Ku Sheegey Iney Xireen Xisaabyadii Lacageed ee Dowlada

0
28

NuurJumcaaleHanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Nuur Jimcaale Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegeay inay ku guuleysteen in ay xiraan inta badan xisaabaadyadii lacageed ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen bankiyada ganacsiga ee Muqdisho.

Nuur Jimcaale ayaa tilmaamay in 90% akoonnada lacageed ee hay’adaha dowladda ay ku lahaayeen bangiga ganacsiga ay xireen, isagoo tallaabadan ku sheegay inay tahay mid ay kula socon doonaan dhaqdhaqaaqa guud ee hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale hanti-dhowrka ayaa xusay in sanadkan 2015-ka ay sameynayaan qorshe cusub oo horseedaya in miisaaniyadda iyo xisaabaadka lacageed ee ay ku leeyihiin bangiga dhexe hay’adaha iyo waasaraha dowladda ay kula socdaan, kaasoo ah hab ay u istcimaalayaan kambiyuutar.

Dhanka kale, Nuur Jimcaale ayaa intaas ku daray in howshan ay kawada shaqeyn doonaa isaga iyo xisaabiyaha guud ee dalka, isagoo rajo-wanaagsan ka muujiyay in habkan cusub uu xadidi doono musuqmaasuq dhaqaalaha dowladda Somalia lagu sameeyo.