War Deg Deg Ah Dhegeyso:- Golaha Wasiirada oo Kol Dhaweyd Lagu Dhawaaqey

0
35

SharmarkeRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa goor-dhow Muqdisho kaga dhawaaqay golaha wasiirradiisa cusub, oo ka kooban 20-wasiir.

Mudane Cumar C/rashiid oo ka hadlay xafladda magacaabidda wasiirradiisa ayaa yiri; “Anigoo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaasna ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sannadka 2016-ka.

Isagoo sii hadalaya ayuu sheegay sheegay in wasiirrada uu caawa magacaabay aysan wax raad ah ku lahayn khilaafka siyaasadeed ee jira, isla markaana buuxin karaan howlaha ay shacabku ka filanayaan.

Haddaba Akhriso Magacyada golaha Wasiirrada cusub:

01. Maxamed Cumar Carte, RW ku xigeen, Wasiirka Shaqada, dhalinyarada & cayaaraha
02. Axmed Xasan Gaboobe, Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Diinta
03. C/raxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka
04. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti”, Wasiirka Maaliyadda
05. C/qaadir Sh. Cali Diini, Wasiirka Gaashaandhigga
06. Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda
07. Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Waxbarashada
08. Fahad Yaasiin Xaji Daahir, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda
09. C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
10. Nuur Faarax Xirsi, Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Diinta
11. Guuleed Xuseen Qaasim, Wasiirka Warfaafinta & Isgaarsiinta
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali”, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada
13. Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
14. Cali Xasan Cusmaan, Wasiirka Beeraha
15. Xasan Axmed Muudeey, Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse, Wasiirka Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
17. Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiirka Haweenka & Xuquuqda Aadanaha
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim, Wasiirka Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
20. Xaawo Xasan Maxamed, Wasiirka Caafimaadka

Reysulwasare sharmaake

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

 

Reysulwasare sharmaake mobil