Baarlamaanka oo Maanta Ansixiyey HIndise Sharciyeedka Hanti Dhowrka

0
47

barlamanXildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka Qaranka oo ka mid ahaa hindisayaasha ay xildhibaannadu ka doodayeen dhowrkii casho ee lasoo dhaafay.

Mudanayaal 12 ah ayaa horay ugu soo gudbiyay baarlamaanka si loosoo af-jaro dooddii maalmahan ay xildhibaannada ka lahaayeen, iyadoo ay xubnaha baarlamaanku isla maanta u codeeyeen sharcigan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka maanta shir-gudoominayay ayaa ka codsaday xildhibaanada inay u codeeyaan sharcigan, iyadoo codeyntu ay ahayd mid gacan-taag ah.

Sharcigan waxaa u codeysay 158 mudane oo kulanka goobjoog ka ahaa, waxaa ogolaatay 154-xildhibaan, waxaana diidday afar mudane oo keliya, mana jirin mudane ka aamusay.