Wakiilka Qaramada MIdoobey ee Somaliya Nicholas Kay oo soo dhaweeyey Xukuumada Cusub

0
76

Nicholas-KayWakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay ayaa maanta soo dhaweeyay golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo uu 27-kii bishan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid  Cali Sharma’arke.

Qaramada Midoobay ayaa noqonaysa hay’addii ugu horreysya oo caalami ah oo dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee 20-ka wasiir ka kooban soo dhaweysa, kuwaasoo ka bedeli doona howlaha xukuumaddii hore ee C/weli Sh. Axmed.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu door muhiim ah ansixinta xukuumadda cusub iyo dhismaha guddiga doorashada dalka si aragtiyada hiigsiga cusub looga miro-dhaliyo.

Ugu dambeyn, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhan-kooda inay garab-istaagaan dowladda Somalia si dalka loogu soo dabaalo nabad, loona hirgeliyo hiigsiga 2016.