Ciidamada Nabadsugida oo Maanta Howlgalo Ka Sameynaya Qaar Ka Tirsan Wadfooyinka Magalada Muqdisho

0
67

barisCiidamada nabad-sugidda Somalia ayaa howlgallo ka sameeyeen qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha-biyaha oo ku yaalla duleedka Muqdisho, iyagoo baarayay gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Gaadiidka iyo dadka saran ayay ciidamadan baarayeen, iyadoo howlgalkaan uu ahaa mid ka duwan kuwii horay ay ciidamada amnigu uga sameyn jireen waddooyinka Muqdisho iyo kuwa kale ee magaalada kaba iyo kuwa soo gala.

Sidoo kale, ciidamadu waxay baaritaanno xooggan ku sameynayaa gaadiidka soo galaya Muqdisho ee ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose, waxayna ku baarayeen ciidamadu gaadiidka soo galaya Xamar isgoyska ex-koontarool Afgooye.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay heleen xogo ku aaddan in la qorsheynyo in laga fuliyo Muqdisho weerarro abaabulan, sidaa daaraadeedna ay howlgalku ahaa mid ay uga hortagayaan falalkaas amni-darro.