Daawo:- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Eng Salax Sheekh Cismaan oo Xilkii La Wareegey

1
73

salax4Wasiirka Wasaaradda cusub ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa  xilka wasaaradas la wareegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho

Mudane Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse, ayaa xilka wasaaradda kala wareegay wasiirkii hore  Marwo Nadiifo Maxamed Cismaan, iyadoo xafladda xil wareejinta ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka tirsan labada gole iyo shaqaalaha wasaaradda.

Wasiiradii hore ee wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska Nadiifo Maxamed Cismaan, oo ka hadashey madasha xil wareejinta ayaa sheegtay in waxyaabo badan oo dib u dhiska iyo dardargelinta howlaha wasaaradda ay kamid yihiin ay u qabsoomeen muddadii ay xilka heysay, waxayna howl-wadeennada wasaaradda howlaha guud kala dardaarantay in ay wasiirka xilka qabtay la shaqeeyaan.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dalka Mudane  Eng. Saalax Sheekh Cismaan, ayaa isna ballan qaaday in uu horay u sii wadi doono howlaha horyalla Wasaaradda.

1 COMMENT

Comments are closed.