Daawo:-Orodyahanka Mao Faarah oo Jebiyey Rekord Cusub

0
29

mo-farahOrodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse haysta dhalashada Britian Mo Farah ayaa jebiyey rikoorkiisii ugu horeeyay ee sanadkan 2015, kadib markii uu ku orday 8 min 3.40 seconds tartanka two-mile ee maanta ka dhacay magaalada Birmingham.

Mr. Farah ayaa jebiyay rikoorkii hore u yiil orodyahanka reer Itoobiya Kenenisa Bekele oo ahaa 8:04.34, waxaana Mo farah oo si xarago leh uu u jebiyay rikoorkaasi isagoo ku qaaday 8.3.40 seconds.

Mo Farah ayaa maanta gaaray riyadii uu doonayay ee ahaa in uu jebiyo rikoor hore caalamka loo dhigay, waxana uu sheegay in tani ay u tahay bilow jebinta rikoorada tartamada orodada dunida.