Dowlada Federalka Somaliya oo Heshiis 3 Geesood ah la saxiixatey Bankiga Hormarinta Africa iyo urur goboleedka IGAD

0
42

farkeetoWasiirka Maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim ayaa heshiis seddex geesood ah magaalada Adis-ababa kula saxiixday Bankiga Hormarinta Africa iyo urur goboleedka IGAD,heshiiskaasi oo ku aadan sidii loola tacaali lahaa abaaraha ku soo noq noqday gobolka.

Wasiirka maaliyada oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Adis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay heshiiskana uu quseeyo in la dhiso Bulsho maareyn karta noloshooda marka ay abaari dhacdo.

Heshiiskaan ay Dowlada Federaalka Soomaaliya la gaartay Bankiga Hormarinta Africa iyo urur goboleedka IGAD ayaa soconaya ilaa iyo 2020.

Dalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka ay ka dhacaan abaaraha kuwaasi oo marka ay dhacaan halakeeya dad u badan Haween iyo carruur.