Dowlada Kenya oo Soo Dhaweysey Go,aankii Golaha Amaanka ee Ahaa In Waqti Loogu Daro Joogitaanka Amisom ay Joogto Somaliya

0
34

kenyanCiidamada Difaaca Kenya ayaa wax badan sii joogi doono dalka Soomaaliya,ka dib markii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ku dhawaaqeen in mudo ah hal sano ah waqtiga AMISOM loogu kordhiyay inay ka sii howlgalaan Soomaaliya.

Xoghayaha Golaha difaaca Kenya Raychell Omamo ayaa shaacisay in Dowlada Kenya ay soo dhaweyneyso balaarinta howlgalka Ciidamada Midowga Africa AMISOM Ee Soomaaliya,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xasilinta.

Ms Omamo ayaa shaacisay in joogitaankooda Soomaaliya wax badan ka tareyso xukuumada Soomaaliya sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyo badan oo xaga sirdoonka ku saabsan iyo waliba in waxay ugu yeertay Cadowga dhinac laga noqdo.

Dowlada Kenya ayaa Ciimadeeda u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii,xilligaasi oo ay tilmaantay inay jawaabeysay qatar amni oo ku socotay dalkeeda.