Beesha Galmaax Yonis oo Eedey Usoo Jeedisey Koox uu Hogaamiyo Shariif Xasan (Sakiin)

0
132

shariif-xasanMagaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Galmaax Yoonis ee ku abtirsata beel weynta Abgaal Cusmaan, kulankaasi oo looga hadlay arrimo ku saabsan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug) oo ku geeriyooday qaraxii Hotelka Central ee Muqdisho ka dhacay.

Shirka qaar ka mid ah xubnaha beesha Galmaax ay maanta ku yeesheen Muqdisho, ayaa waxgaradkii ka hadlay waxay soo gudbiyeen cabashooyin ku saabsan in kursiga Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Cumar Furdug la doonayo in la siiyo Maxamed Cumar Waayeel, oo isla beesha Mataan Cabdulle u dhashay.

Nabadoon Cadde Abshir Gude oo ka tirsan odayaasha dhaqanka beesha Galmaax Yoonis isla markaana ka mid ahaa 135-Oday dhaqameed ee soo magacaabay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa mar ka hadlayay shirkaasi waxa uu sheegay in Maxamed Cumar Waayeel aanu xaq u lahayn inuu buuxiyo kursiga Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Cumar Furdug.

“Kursigii Baarlamaanka ee uu ka geeriyooday Cumar Furdug waa in loo magacaabo walaalkiis oo lagu magacaabo Qaasim Cali Nuur” ayuu yiri Nabadoon Cadde Gude oo sheegay in dastuurka Baarlamaanka uu dhigayo Xildhibaanki geeriyooda inuu kursigiisa ku fariisan karo qofka ugu dhow.

Waxgaradka iyo odayaasha Galmaax Yoonis ayaa uga digay mas’uuliyiinta lagu magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),  Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi inay ka waantoobaan faragelinta ay ku hayaan beesha.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka beesha Galmaax Yoonis ayaa ugu baaqay Guddoonka sare ee Golaha Baarlamaanka inay kursiga uu ka geeriyooday Cumar Furdug ay u magacaabaan walaalkiis Qaasim Cali Nuur sida uu dhigayo dastuurka Golaha Baarlamaanka.