Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Qaarada North America oo Go,aan Cad Ka Qaadey Keligii Taliye Shariif xasan

0
181

north amkulan aad u xiso badan oo ay xaleyto isugu yimaadeen taageerayaasha muumulka lexda gobolka koonfur galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed ayaa habeenkii xaley waxaa uu ka dhacay qadka telfoonka ayagoo halkaasi ay ku wada hadleen Dhaliyarada, Aqoonyahanada, Culumaudiinka, iyo Odayaasha kasoo jeeda koonfur galbeed somaliya ee ku dhaqan qaarada north america.

Waxaa ay si wanaagsan u wada gorfeeyeen xalada guud ee koonfur galbeed gaar ahaan wada hadaladii iyo hishiisyadii 3 geesoodka ahaa ee laga sugaayey in ay meel mariyaan xubnihii ka socdey baarlamaanka dowlada federalka Somaliya, Odey Dhaqameedyada Koonfur Glabeed Somaliya iyo kooxda uu hogaaminaayo Shariif Xasan.

Qodobadaasi waxaa ay ahaayeen 8 qodob oo ay si aad ah uga soo shaqeeyeen qaar ka tirsan xildhibaanada Dowlada Federalka Somaliya iyo odey dhaqameedyada kasoo jeeda koonfur galbeed taasoo markii dambe uu ku gacan seerey Shariif Xasan iskana dhega tirey rabitaanka shacabka koonfur galbeed go,aana ku gaarey in uusan hal qodob ka qaadan qodobadan hoos ku qoran.

hishiiska sedexda iyo lexda

Gabagabadii kulankooda waxaa ay go,aan ku gaareen qodobadan hoos ku qoran.

1- Maadaama Sharif Xasan iyo dadkii la socdey ay diideen iney dhegeystaan isla markaana fuliyaan hishiisyadii ay diyaariyeen xiildhibaanada iyo odey dhaqameedyada waxaan si cad u taageereynaa go,aankii uu ka qaatey madaxweynaha Maamulka 6da gobol oo ahaa in uu ka boxo hishiiskaas.

2- In maanta iyo wixii ka dambeeya ay haboon tahay in lala garab istaago taageero hiil iyo hoob maamulka lexda gobol ee uu hogaaminaayo Maxadweyne Madoobe Nuunow Maxamed.

3- Waa in Beesha caalamka ay meel dhexaad ah ka istaagaan siyaasada koonfur galbeed islama markaana ay tix geliyaan rabitaanka shacabka, Maadama beesha caalamka ay weligeeba hormuud u aheyd in la gaaro demogradiyad waarta.

4- Dhamaan shacabka reer koonfur galbeed ee taageersan maamulka 6da gobol ee ku kala nool Qaaradaha Aduunka waxaan ku codsaneynaa in ay taageero hiil iyo hoob ah la garab istaagaan maamulka 6da gobol ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed si shacabka koonfur galbeed loo gaarsiiyo hurumar waara.

5- Si loo gaaro Hiigsiga 2016 waa in xukuumada federalka ay ka deysaa shacabka koonfur galbeed siyaasada dhinaca raacsan, isla markaana ay ka noqdaan dhex dhexaad si looga boxo colaada aan dhamaadka laheyn ee ka taagan dalka somaliya.