Midowga Yurub Oo Sheegey Iney Sii wadi Doonaan Taageerida Ay Siiso Ciidamada Dalka Somaliya

0
46

EuropUruruka Midowga Yurub ayaa shaaciyay Jimcihii in uu sii wadayo taageerada uu ciidamada Somalia siiyo si loo soo af-jaro xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.

Ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Somalia, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay inay tababareen in ka badan 4,000 oo ka mid ah ciidamada Somalia tan iyo sannadkii 2010-kii, si ay wax uga bedelaan amni-darrada Somalia ka jirta.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Ujeedada howlgalka EU-da ee Somalia waa in kor loo qaado awoodda waxqabad ee ciidamada Soomaaliya, si ay karti ugu yeeshaan inay xaaladda wax ka bedelaan.”

Bishii Abriil ee sannadkii 2010-kii ayaa la billaabay howlgalka tababarka lagu siinayo ciidamada Somalia ee Midowga Yurub, iyadoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ka jirtay.

Al-Shabaab ayaa xilliyadii u dambeeyay waday kacdoonno ka dhan ah dowladda Somalia, iyadoo dhawaan fuliyay qaraxyo ay Hotel Central ka geysteen, kuwaasoo ay ku dileen kuna dhaawaceen mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.