Qormadii Mohamed Ghedi: “Ex-Banaadir Hala Baabi’iyo Waa Xeelad Ku Saleysan Hala Baabi’iyo Beelaha Dega”

0
29

Ex-Banaadir-Iyadoo maal-mahaan ay si xowli ah u socdaan kulamo looga arrinsanaayo maamul u sameynta goballada aanan weli sameysan is-maamul-goballed, ayaa waxaa nasiib darro ah, in goballadii leysku dhihi jiray Ex-banaadir oo kala ah Xamar, gobalka shabellaha dhexe iyo gobalka shabellaha hoose ay noqdaan looma ooyaan, iyadoo ay su’aal-weyn ka taagan tahay sababta gobalka Sh/hoose loogu daray is-maamul goballeedka la magac baxay koofur galbeed Soomaaliya ee dhowaan la yagleelay oo ay xaruntiisu tahay Baydhabo, taas oo ay macnaheedu tahay shacabka degan deegaanka Sheekh Ibraahim Gacal oo Xamar u jira wax ka yar 2-KM wixii galbeed ka xigga waxaa laga xakumaayaa Baydhabo.

Qaabka Xamar maamul loogu sameynaayo waxaa la yiri, dib haloo dhigo inta laga dhameystiraayo ” dastuurka-qabyada ah”, iyadoo sida la qiyaasaayo ay Xamar ku nool yihiin ugu yaraan 1.5 milyan u dhalatay deeganaada leysku yiraah Ex- benaadir, halka 1 milyan oo isugu jira wax ku dhashey iyo kuwo u soo shaqo tagay xamar yihiin, maadaama ay Xamar tahay xarunta dowlada dhexe ee Federaalka Soomaliyeed.

Intaas waxaa ka sii xannuun badan, gobalka shabellaha dhexe oo ay hada ku socoto, sheekadii ” Dibiga Cad “, sheekadii dibiga cad waxay tahay, Libaax ayaa la saaxibey sedax (3) dibi, mid cad, mid madow iyo mid guduudan, markaasuu maalin maal maalmaha kamid ah, ayuu kulan gaar ah la yeeshey dibigii guduudney iyo kii madoobey, markaasuu ku yiri labadii dibi, war dibiga cad habeenkii marka ay caddaddu jirto ayaa caddaantiisa la arkaayaa ee aan naga khaarajiyo dibiga cad, labadii dibi wey ka ogolaadeen codsigii Libaaxa.

Muddo kadib ayuu Libaaxii u yeeray dibigii gududnaay, markaasuu ku yiri, dibiga madow wuu nugul yahay ee aan cuno?, dibigii gududnay wuu ka ogolaaday codsigii Libaaxa, muddo gaaban ka dib libaaxii wuxuu u yeray dibigii gududney wuxuuna ku yiri, saaxib waan baahanahay mana joogo dibi aanan adiga aheyn oo aan cuno, sidaas awgeed adiga ayaan ku cunaayaa ee ku raali noqo dibi guduudow, markaasuu ku jawaabay dibi guduud, iska key cun, laakiin Libaxow ogsoonow waxaad i cuntay markii aan kaa ogolaaday inaad cunto dibi cadde.

Hadda gobalka shabellaha dhexe waxaa la cunay markii Xamar la cakiray, gobalka shabellaha hoosena lagu darey maamulka koofur galbeed ee uu xaruntiisu tahay Baydhabo, dadka ka soo jeeda goballadii leysku dhihi jiray Ex-banaadirna ay ka dhiidhiwaayeen tacadiyada lagu sameeyey.

Haddaba, su’aasha mudan in leys weydiiyo, waxay tahay yaa ka danbeeya dhibaatadaan uu xanuunkeedu ku dhici doono jiilka soo socda ee u dhalan doona goballadii leysku dhihi jiray ex-banaadir?.

Waxaa loo badinayaa inay dhibaatadaan ka danbeeyaan seddax (3) kooxood oo kala ah:

1) Koox isugu jirta siyaasiin iyo xaasidiin aanan ka soo jeedin ex-banaadir oo aad u dhibsanaaya dhaqanka suuban ee reer ex-banaadir, barwaaqada joogtada ah ee ex-banaadir iyo deganashahooda dabiiciga ah.

2) Qaar ka mid ah dowladaha deriska , kuwooda aanan lahayn Bad (sea) oo raba inay Badda Soomaaliya ka dhistaan dekedo waa weyn oo ay ka isticmaalaan goballada Soomaaliya sida gobalka Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe, gaar ahaan Marka iyo Cadale iwm.

3) Siiyaasiin uu derejo jeceyl ka qaaday damiirkii dadnimo oo daacad u ah dowladaha aanan Soomaaliya la rabin inay noqoto dowlad xoog leh, balse doonaaya inay Somaaliya weligeed ahaato dowlad diciif ah.

Ugu danbeyntii, dadka ka soo jeeda deegaanadaan uu dulmigu ku socdo, waa inay ogaadaan inay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan masiirka deegaanadooda oo aysan ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin ku xiran dowlado shisheeye, sidoo kale waxayna ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin sheekhu-kuli ah oo raba inay ku gaaraan dana siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.

Sidoo kale, jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanadaan uu ku socdo dulmigaan iyo bah-dilka waa in ay ka dhiidhiyaan oo ay baaqyo is daba joog ah u kala diraan madaxda dalka ugu sarreysa sida madaxweynaha DFS, guddoomiyaha baarlamaanka FS, Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo beesha caalamka qeybaheeda kala duwan.

Ex-banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo beelaha dega ex-banaadir ee Rabiyow adigu badbaadi dadkaan iyo deegaanadaan ay ku dagaalamaayaan danleyda kala daran.
Qore: Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com