Dhegayso..Nin loo dilay inaanu Af-Maxaatiri aqoon degmada Buurhakaba

7
49

buurAskari ka tirsan ciidamada Dowlada ee ka howlgala gobolka Baay ayaa waxa uu maanta ku dil;ay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ruux rayid ahaa halka uu dhaawac culusna gaarsiiyay ninka uu dilay Xaaskiisa oo la socotay.

Qoyskan dilka iyo dhaawacawaba laysu raaciyay ayaa waxay ahaayeen qoys reer Baadiye ah oo magaalada u soo qaatay in yar oo qoryaha la shito ah amaba Xaawada ruuxba sida uu u yaqaano si ay u gadaan isla markaana ay dib magaalada uga sii gataan waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu masiibadan ka sameeyey Askarigan ka tirsanaa ciidamada Dowlada ayaa waxa uu sheegay in Askariga oo ku hadlaayay Lahjada Af-Soomaaliga ee Maxaatiri halka Ruuxa reer Baadiyaha ahaa ee la dilayna uu ku hadlaayay Lahjada Af-Soomaaliga ee Maayga halkaasina uu ka bilowday isqoonsi iyo is afgaranwaa taasi oo ugu danbayn Askariga dowlada Soomaaliya uu u dilay ruuxii reer Baadiyaha ahaa uuna dhaawac culus ugu gaystay xaaskiisa.

Halkan ka dhegayso goobjoogaha inoo waramay hadaladiisa

Halkan riix si aad u dhegaysato

7 COMMENTS

  1. asc w w w walahi waa.dhib.naheyasta hadaan.nahay.dadk.reer digil iyo mirilfle allow inoo gar gaar.waxey nnoo bixi yeen.magac ah.waa das.jecel.nabad iyo.walal tinimada.taaas.ayaa u.sabab ah.dhibkaan.dhulkagag.halagugu.dilo.waa.damiir la aan.allow garagaarkaada keen amiin

  2. Arintan haday run tahay waxaa loo haysaa Sakiin ma ahan askariga wax dilay, waayo ma iska imaanin askariga waxaa keenay sakiin iyo kuwa dulmiga ku raacay oo doortay iyo kuwa keenay Sakiin laftiisa. sida Dowlad ku sheega uu xasan xoolo mas’uulka ka yahay. Digil iyo Mirifle has no Blood.

  3. Inaan Lillahi Waa Inaa Illanhi Rajicun bal Cedeb Daro Iyo Kibir intasi la eg weligada ma aragtey.Wale waxa soo socda iyo webiga yaa weyn DM guriga intii lo yimado ayaa mahad afkaga ugu hadashey logu dilowhaya LOMA OOYAAN LOOMA AARAN ayeey bnoqnowhayaan. Waxa is weydiin leh maxa BuurHAKABA keney askari qabil kale ileen wadanka waa FEDERALISM PUNTLAND MA WAXA JOOGA ASKAR XAWIYE MISE DM? War Xurdada ka Kacca ee GUMEYSIGA NOCA CUSUB DIIDA.

  4. Waa wax laga xumaado in askari uu toogto qlf shacab ah oo an waxba galabsan..alow u naxariis gacan ka xaq daran ba dishay odeyga dhintey…anagana waxa nalaga rabaa inaan u hiilino dadkeena oo aan dadka cadoga ah oo dhiigooda baneystay ka qabano oo an u hurna naf iyo maal taasna muslimnimadeena iyo karamadeena ku jirtaa….wbtfq

  5. inaalilaah waainaa ileeh raajicuuna waa masiibo ku habsatay ummadaas in heerkaas la gaaro waa wax annaga isu keenay.ninkaas yaa ka dhigtay askari ma ummadaas ayaa laga waayay ruux askri noqdaa

Comments are closed.