Maxaad Kala Socotaa Beeraha Aseendooyinka ee Kaabo-mooriyaan Cabdul Iyo Qoyskiisa Xooga Ku Heystaan

2
77

cabdulDaalim Cabdul oo ay Wasiirada Shariif Xasan iyo Odayaasha beesha Biimaal kula kulmeen in uu yahay oday matalaya beeshiisa waa kaaba mooriyaan caan ah oo hogaaminayay ilaa haddana hogaamiya dagaalada maleeshiyada beeshiisa gobolka ka wado.

Cabdul ayaa dagaalkan ugu jira si uu u difaaco beeraha aseendooyinka ah ee ay leeyihiin dadka deegaanka ee ay xooga ku heystaan asiga iyo qoyskiisa, kuwaas oo sanadihii la soo dhaafay dhiig badan ay dartood ugu daadiyeen.

Dhibaatada uu wado Cabdul ma aha mid uu kaligiisa wado, ee wad mid ay dhammaan qoyskiisa kuwada lug leeyihiin, isagoo u ah shakhsiga ay iska hormariyaan maadaama uu yahay qofka ugu dhiig daadis badan qoyskaas.

Cabdul ayaa waxa uu xoog ku heystaa beerta lagu magacaabo Afar Boqol, oo ku taala inta u dhexeysa Jannaale iyo Buufow, waana beer ay lahaayeen qoysas ka soo jeeda beesha Biimaal, waxaana Cabdul iyo maleeshiyada beeshiisa ay ku qabsadeen dagaaladii ka dhacay gobolka 1994, ilaa haddana uu heystaa.

Cabdul ayaa waxaa la dhashay seddex walaalo ah oo dhamaantood beero aseendooyin ah xoog ku qabsaday kadib markii ay ka yimaadeen baadiyaha Cadaado, waxayna kala yihiin sidan:

1. Cabdullahi Cilmi oo loo yaqaano Maas, waxa uu heystaa beerta Janta noobe(109) , waxay ku taala Tuulada lagu magacaabo Gabeyle,oo qiyaastii 2 km u jirta deegaanka Golweyn, Beertan ayaa ahayd beer ay dadka deegaanka leeyihiin.

2. Axmed Cilmi Dhega Badan oo geeriyooday, oo heysta Beerta lagu magacaabo Frank Lunge, waxay ku taala Tuulada Frank Lunge oo u dhow degmada Jannaale, markii uu dhintay kadib waxaa beerta heysta caruurtiisa.

3. Bashiir Cilmi Gaambiye, waxa uu xoog ku heystaa beerta Dallaayo Xaaji Xaanshi, Xaaskii Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, waxay ku taala Buufow Bacaad. Dhowr ka mid ah caruurtiisa ayaa dhegta dhiiga loogu daray dagaaladii dhowaa ee dhex maray maleeshiyada Habargidir iyo ciidamada deegaanka.

Haddaba, waxaan weydiineynaa Odayaasha la fariistay Cabdul in aysan ka warqabin taariikhdaas madow ee Cabdul iyo dulmiga uu ku hayo asiga iyo qoyskiisa dhow iyo kan fog ee ujeedadooda ugu weyn tahay in ay beerihii dadka deegaanka xoog ku sii heystaan.
W/Q: Cabdiqaadir Ciise
Cabdiciise114@yahoo.com

2 COMMENTS

  1. Waa lagu yaqaanaa cabdul,kuwa isaga la fadhiistey waa caade qaate dhuunka wax ka arka oo dan ka lahaynba dal iyo dad toona waxaan idinkula dardaarmayaa si isku mid ah u arka dhan kawada mara.

  2. Shariif xasan;adiga waxaad ka hoos shaqey jirtey siyaasiyiintii hore aragtidoodana maanta ma shaqeyneyso waxaa loo baahan yahay fikir cusub oo ka turjumaa rabitaanka shacbiga iyo difaaca dadka iyo dalka.hoos cararka iyo gacan hoorsiga hawiye iyo darood dan uma aha dalka iyo dadka ”dgilmirifle”kuwii adiga kaa horeyey waxay wareejiyeen xamar iyo jowhar malaga harey?waa maya .adiga maanta waxaat wareejisay kismaayo,jilib iyo baardheere oo tariikhdooda lagaranayo malagaa harey?waa maya,dawlad ku sheega aad dhistey waxaad kusoo dartey hawiye iyo daarood,ma iisheegi kartaa sadexda gobol aad isku soo oodey hal degmo ay leeyihiin,waa maya.dadkii dalka u dhashey waad u heli kari weysay hal wasiir ku sheeg,dalka gacantaa miyuu jira?waa maya.waxaa igala sii yaab badan abdule mooriyaan oo kuleh ii saxiix dhul beereetka shabeelaha hoose .wax badan baan ka ohagay siyaasiyiinta digilmirifle away xagey ku danbeeyeen kuwii khiyaameeyey dadka iyo dalka digilmirifle,hadda waad nooshahay is daba qabo,dhex keliya digilmirifle wuu diidey in uu dhul danbe uu bixiyo,waan waan miro dhal lahayn ka da umadda,u sheeg in ay cadowgooda iska celiyaan si loo badbaadiyo inta yar ee hadda la haayo”allah shariif xasan waan gaarsiiyey”

Comments are closed.