Ciidamada Amisom iyo kuwa Raaskambooni oo Maanta Qabsadey Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose

0
72

amisomCiidamada AMISOM ayaa subaxnimadii hore ee saaka gudaha u galay Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku hayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inuusan dhicin wax dagaal ah, balse ciidamada huwanta ah ay gudaha u galeen Jasiiradda Kudhaa kaddib markii Al-shabaab ay ciidamadeedii xalay si nabadgalyo ah ugala baxday.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay ku sugnaayeen maalmihii lasoo dhaafay daafaha Jasiiraddan oo dhowr jeer ay kala qabsadeen Al-shabaab iyo maamulka raskambooni.

Goobjoogayaal ku sugan Jaziiradda Kudhaa ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda deegaankoodu uu deggen yahay; inkastoo ay sheegeen inay cabsi ka qabaan dagaallo kale oo dhaca.