Khilaaf Xoogan oo Weli Ka Taagan Halkii Lagu Qaban Lahaa Shirkma Maamu u Sameynta Gobolada Dhexe

0
33

dhusamMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan dowladda oo saddex maalmood ku sugnaayeen Dhuuso-mareeb si la isugu af-garto meesha lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaliya ayaa haddana waxaa weli tagan kala aragti duwanaan xoog leh.

Nabadoon Yuusuf Warsamed Ducaale oo ka mid ah odayaashii degmada Dhuuso-mareeb kula kulmay madaxweyne Xasan ayaa sheegay in odayaasha ku sugan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb ay ku kala aragti duwan yihiin halka lagu qabanayo shirka dhismaha mamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale, nabadoonka ayaa xusay in arrinta ku saabsan degmad lagu qabanayo shirka ay caqabad weyn noqotay; isla markaana madaxweynaha iyo ergooyinkii uu la kulmay ay isku af-garan waayeen oo ay ku kala tageen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay soo gaba-gabeeyay booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tagay degmada Dhuuso-mareeb, isagoo aan weli ka hadlin wixii kasoo baxay kulammadii uu lasoo qaatay odayaashii uu kula soo kulmay Dhuuso-mareeb.