Xukuumada Federalka oo Sheegetey Ineysan Suura Gal Aheyn Riyadii Doorashada 2016

3
39

astaanta somaliaWasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa shaaciyay inaysan ahayn mid suuro-gal ah in Somalia ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2016-ka.

Odawaa oo ka qaybgalayay barnamij su’aalo lagu weydiiinayya oo ka baxay maanta Radio Muqdisho ayaa uga jawaabay su’aalo dhwor ah oo la xiriira howlaha horyaalla xukuumadda Somalia muddada kooban ee howlaheeda ka harsan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray. “FIQIGU wuxuu yiraahdaa waxaadan wada heleyn lagama wada tago. Macnaheeduna ma ahan haddaan hal qof iyo hal cod la heleyn – yaan doorasho dhicin, baarlamaanka xilligaan shaqeynaya waxaa soo xulay 135 oday, maamul goboleedyada dhisan iyo kuwa soo dhismayana in laga arrinsado arrintaasna waa socotaa, xalka ugu dhawna oo ay doorasho ku dhici lahayd waa imaan doontaa.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in federaalka uu hadda dhismayo, isla markaana inta hartay maamullada lasoo dhameystiri doono bisha June ee sannadkan 2015-ka ee lagu jiro.

3 COMMENTS

  1. KKKKKKKKK KKKKKKKKKK KKKKKKKKKKKKK
    DOORASHO HADDII DHICI WEYDO DAGAAL WAA LAMA HURAAN.

    SOMALIA WAXAA U HARSAN DAGAALKII AY KU KALA BIXI LAHAYD. KKKKKKKKKK KKKKKKKKK KKKKKKKKKKKK

  2. Xaaladda dhab ahaan ka jirta dalka,iyo doorasho 2016,inta dalka ku harsan allah ha badbaadiyo .

Comments are closed.