Alah u Naxariistee Waxaa Maanta Magalada Garaawe Lagu Aasey Yusuf Bari Bari

0
93

yusuf bari bariMaydka danjirihii dowladda Somaaliya u fadhiyay Switzerland Yusuf Bari Bari diyaarad sidey ayaa saaka ka duushey Airporka Adan Cade ee magalada muqdisho ayadoo ayadoo daqiiqado ka hor ay ka degtey  garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, Diyaarada sidey maydka marxuunka ayaa waxaa la socdey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa maydka marxuumka mas’uuliyiinta la socday kamid ahaa wasiirka cadaallada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir ) xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ah iyo qaar ka mid ah qoyskiisa.

Inta badan madaxda Puntland oo ugu horeeyo madaxweyne Cabdiwali Gaas, waxgarad iyo qaar kamid ah bulshada Garowe ayaa ka qayb-galay aaska marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari oo ka dhacay qabuuraha Khayr Seexay oo ku yaalla banaanka magaalada Garowe.

Marxuumka ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarrkii lagu qaaday hotelka Maka-Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ,kaasi oo galaaftay dad ka badan labaatameeyo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin dowladda ah iyo shacab deganaa Hotelka.