Daawo Videowgan:- Maamulka Shariif Xasan Ma Wuxuu Noqdey Kelinka Lexdaad ee Ethiopia

3
42

sakiinWaxaa maalintii shaley magalada baydhabo ka dhacay sagootin loo sameeeyay qaar ka mid ah ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gobolada koonfur galbeed balse waxaa cajaa’ib noqotey kolkii meeshaba laga waayey calankii somaaliyeed iyo midkii ay lahaayeen maamulka shariif kaasoo lagu wada bedeshey in garbaha la saarto calanka Ethiopia.

Vidiyowgan ayaa waxaa kaloo ka dhex meeqda Taliyaha ciidanka boliska gobolka Bay oo isna dhabarka ku tisa calanka dowlada Ethiopia waxaa kaloo ayana ku jira qaar kaloo ka tirsan ciidanka xooga dalka somaliyeed iyo masuul ka tirsan maamulka shariif oo ayagana huwan calanka itoobiya balse suaalaha la is weydiinayaa ayaa waxaa ay yihiin maamulkan ma wuxuu ku biirey dowlada Ethiopia ma wuxuu noqdey kelinka lexaad maadaama kii shanaad horey loo heystey.

3 COMMENTS

  1. Sakiin waa ku mahadsan yahay inuu garbasaarto calanka Itoobiya maxaa yeelay Itoobiya la’aanteed Sakiin madaxweyne ma noqdeen tankale Kilinka Lixaad in lagu daro Itoobiyaa u diiday Soomaalida ma ahee waa ay ku tuugtamayaan bal taana ogaada.
    Siillaanyo,Cabdiweli Gaas iyo Xasan Shiikh inay tartan u galeen raaligelinta Itoobiya miyaad moogtahay?Mise waad isyeelyeelaynaa oo waxaa inagu qufulnaanaya Itoobiya waa cadawga Soomaaliyeed.
    Ka kaca hurdada oo yaan la idiinkaga horayn Itoobiya.

  2. Soomaalida calamada wadamada reer galbeedka ee ay joogaan calamadooda ku labista maalmaha xafladaha ayay la mid tahay. Shariifka waa madax in uu dhiirogaliyo wadama deriska ee dagaalka shabaabka lagula jiro naga caawinayo waa wX loo baahan yahay qof kastoo soomaali dhab ahna uu sameyn lahaa.

  3. Wadankena waa for Sale Calan Shisheye Garbasaro haduu wuxusan ahayn kadhigayo ama uu meel ku tagayo ARAGANE.Calankan ayuu amin sanyahay ileen ayaga Baydhaba ku haayo but sucaashu waa HOW LONG aan meel laga rabin ama dad aan ku rabin maquniin karta ama la joogi karta? DM – DAWANAHAYO WAA DADKAGA WAXA KALA DADSAN OO DULALINTA KU GORGORTAMEYSO WAA DALKAGA.

Comments are closed.