Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo La Kulmey Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe

0
34

xasan iyo bankMadaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El Sheikh ee waddanka Masar kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddda iyo amniga Somalia, gaar ahaan Hiigsiga 2016-ka, dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, xoojinta ciidamada xoogga dalka iyo qodobbo kale.

Xasan Sheekh ayaa Ban Ki-Moon u sheegay in DF Somalia ay qaadeyso tallaabo kasta oo suuro-gelinaya in si buuxda loo fuliyo barnaamijyada la xiriira Hiigsiga 2016, isla markaana aanay jirin qorshe muddo kordhin ah.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee QM ayaa kulanka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay Somalia, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii guddiyada muhiimka ee barnaamijka Hiigsiga 2016-ka ku hawlan ay u heli lahaayeen agabka iyo wax walba oo suuro-gelinaya fududeynta hawshooda.