Dhegayso..Ergada beesha Mariixaan oo filawaa ku noqotay saamiga ay ka helidoonaan baarlamaanka Juba

3
26
been
Maalmahii ugu dambeeyey ayaa magaalada Kismaayo waxaa ka soconayey shirar iyo kulamo halkaasi ay ku leeyihiin Ergooyin kala matalaya Gobolada J/hoose,J/dhexe iyo Gedo,iyadoo ujeedkuna uu yahay sidii Beelaha dega Degmooyinka Goboladaasi ay ugu heshiin lahaayeen Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee uu yeelanayo Maamulka waxa loogu yeero KMG ee Jubba.
Nabadoon,Daahir Aden Garey oo ka mid ah Odoyaasha beesha Mariixaan ee ku sugan Magaalada Kismaayo oo la hadlayey Warbaahinta Wadajir  ayaa ku dooday qaabka loo xulayo Xubnaha Baarlamaanka ee Jubboland in ay ka jirto cadaalad daro iyo wax is dabamarin,isagoona ku eedeeyey Maamulka Jubba iyo IGAD in ay ku heshiiyeen Gobolka Gedo oo ka kooban ilaa 9 degmo,in ay ka dhigeen ilaa 6 degmo,islamarkaana ay abaabuleen Beelo aan degin Gobolka in ay ka qeyb galaan qaabka wax qeybsiga waa siduu hadalka u dhigaye.
Qayla dhaanta nabadoonka ayaa waxay imaanaysaa iyadoo beesha Mariixaan ay weyday kuraastii ay ka filaysay gobolka Gedo kadib kolkii beelaha Digil iyo Mirifle kula xisaabtameen deegaan Tuulo tuulo.

 

3 COMMENTS

  1. mareexaan waxay rabaan in daroodka bakool wuxuuda ay helaan, raxanweynta gedo aan waxba la siinin oo xildhibaanada oo dhan iyaga qaataan .taas laakin maqcquul ma aha, saakoow, luuq , baardheere iyo meelo kaleba waa qasab ha rabaan ama ha diidaane.

  2. Digilmirifle dalka adigaa iskaleh oo degan,daaqsatada waa adiga,beeraleyda waa adiga,reer xeebeedka waa adiga.qofkii ugu horeeyey oo sheegta darood wuxuu cagta soo saarey 1935 kii wuxuuna degay bulogaduud,waqtigii labaad oo ay wada yimaadeen hawiye iyo darood oo hal qoys ah waa sanadkii 1991 dii waxayna la bexeen magaca walaalaha galguduud,maanta ma waxaad diyaar u tihiin in aad qaadataan sedquureedka aan ku arkey halkaan,ee waxaan idin leeyahay hala xisaabtamo waa taqaanaan tuulooyinka aad degintihiim,degmooyinka,dhul daaqsimeedka,maanta waxaa la idin leeyahay buloxaabo waxba kuma lihidiin is weydiiya ay xaawo guwaawiin miyey ahayd mise mareexaan,tuuiooyinka hoos yimaado yaa degan?ka dibna go’aan qaata.

  3. digil&mirifle ALLAH u maqan dhulkiisa daarood ayaa qaatay qofka wato nuunoow waxaa tiri daaroodka dega bakool digil& mirifle waxa dhulkiisa bixiyay waa noocaaga oo siyaasai noqday

Comments are closed.