Kooxo Ku Hubeysan Bistoolado oo Xaley Magalada Baydhabo Ku Toogtey Malaaq Cali Cabdi Iidow iyo Xaaskiisa

0
55

baydhabooKooxo hubaysan ayaa xalay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxa ay ku dileen Malaaq Cali Cabdi Iidow iyo Xaaskiisa, kadib markii ay ku weerareen Aqalkiisa Malaaqa.

Kooxaha hubaysan oo watay Bistoolado ayaa malaaqa toogtay, waxaana ay la dileen Xaaskiisa, sida ay sheegeen Odayaasha Magaalada Baydhabo ku sugan.

Malaaqa la dilay ayaa wuxuu deganaa Xaafada Boqoleeyda Magaalada Baydhab, iyadoo raggii ka dambeeyay dilka malaaqaasi ay ka baxsadeen goobta dilka ay ka geysteen.

Allaha u naxariistee Malaaqa la dilay ayaa wuxuu ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baydhabo ee doorka ku lahaa dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Si kastaba arintu ha ahaate diklalkan qorsheysan ee ka dhacaya magalada baydhaba ayaa waxaa ay bilowdeen tan iyo intii ay maamulka shariif bilaabeen ineyka taliyaan magalada baydhaba taasoo aan la garaneyn sababta ay salka ku heyso