Wasiir Kuxigeenka Maaliyada Maxamuud Xayir Ibraahim oo Somaliya Uga Qeyb Galaya Shirkii Sideedaad ee Maliyada Africa

0
62

XayirWasiir ku xigeenka maaliyadda dowladd Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xukuumadda Somalia uga qayb galay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shirka wasiiradda maaliyadda iyo dhaqaalaha waddamada Afrika.

Kulanka ayaa sanadkan waxaa diirada lagu saari doonaa sidii dhaqaale ballaaran loogu heli lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa si wadajir ah u soo agaasimy ururka Midnimada Afrika ee fadhigiisu yahay Itoobiya iyo guddiga dhaqaalaha Afrika (Economic Commission of Africa).

Furitaankii shirka waxaa khudbado ka jeediyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hialmariam Deslegn, madaxweynaha waddanka Rwanda Pual Kagame iyo guddoomiyaha Midowga Afrika, Nkasazana Dlamini Zuma.

Waxaa halkaasi qudbad ka jeediyey wasiirrada maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Afrika, iyadoo diiradda lagu saaray sida Afrika ay ku gaari karto Hiigsiga 2063-da oo lagu dajiyay shirkii ururka Afirka ee sanadkii 2014-kii ka dhacay Itoobiya.