Qormadii C/rahman:- Sheekh Maxaadan Ogeyn oo Gobolka Shabeelaha Hoose Ka Socda

4
40

shabelaha hooseMaamul 3 gobol ka kooban ayaa la dhisay Shabeelada Hoose ku jirto, waxaana la burburiyey kii 6da gobol, waxaa lagu qasaray jubooyinka oo an hadaba aragno sida wax u socdaan xulista baarlamaankiisa, iyadoo horey wasiirada maamulkaas aan waxba laga siin dadkii dhulka u badnaa.

waxaa xusid mudan in Mamulka Shariifka in dadka lagu soo xareeyey Shabeelada hoose aa gacanta ka baxeysa, tolow ma hada ayey gacanta ku jirtaaa oo sharif maamulkisa bilo jirsaday.

Hadaba maxaa ka socda Shabeelad Hoose

Waxaa soo kordhay in Madaxweynaha maamulka 3da gobol oo ku guuldareystay balantii uu ka qaday umada iyo beelaha dega gobolka, oo ay ugu horeyso in uu ciidan ay leeyihiin u abuurayo gacana ka geysanaayo kuwasoo loo qeybin doono Polis , nabad sugid, iyo ciidan gaar ah oo suga amniga xuduudaha guud ee maamulka , ilaa hada xita aabaabulkeda ma jiro.

Fashil weyn ku yimid heshiis beenedkii afgooye ee ahaa in maleeshiyadii soo duushay laga saaro gobolka , millitari beeleedkana ku koobnaadaan xeryahooda iyo furimaha dagaalka , intaba ilaa hada waa ay ku diideen tasoo micnaheeda yahay xoog keenso ama naga jooga ama nagula soo biir saan.

Fashil weyn ku yimid in la xareeyo ciidanka deegaanka laguna xareeyo xerooyinka gobolkooda dhexdiisa ah ku yaala loona qeybiyo qeybaha kala duwan ee cidanka koonfur galbeed 3 ka koobnaan doona intiba waa lagu guuldareystay mana muuqato saan santeeda .

Fashil ku yimid Wada shaqeyntii AMISOM iyo Maamulka shariif hoganka u yahay.

Amisom waxa ay ka baxeen Awdheegle oo ay difaacyo waa weyn ku lahaayeen, tasoo sabab u ah in degmooyiinka ay ka joogan shabeelaha hoose ay cidanka millitriga ah ee joga ay dhibaateeyaan dadka deeganka tasoo ay Amisom u dulqaadan waayeen tacadiyada iyo baada lagu hayo SHACABKA AWdheegle iyo degmooyinka kale ee gobolka , maadama ay habeen iyo maalin hortagan yihin Alshabaab hadana mesha ay difacii kaga jireen oo dhibkaan ka socdo , marka waxa ay u garteen in aysan ku dhamaan maalin waliba meel dhibkaan hoose ka jiro tasoo micnahedu yahay militariyahow difaacda ama shabaab u daya mesha isma dhantaanee hadeyba idin dhaamin.

Odayasha Degmada laga baxay iyo goobaha kale waxa ay leeyihiin Amisom waxa ay cadaadis kala kulmeen xaga villada tasoo loogu daneynaayo Mooryaan beeledka umada dhib ku haya sidasna isaga baxeen markii ay arken in heshiiskii la galaba aan la fulineynin hadana walina taagan tahay dhibka umada lagu hayo oo laga xusi karo falkii fosha xumaa ee millitari beeleedka ka geyteen AWDHEGLE OO AY KU LAAYEEN DAD BEERAHOODA ILAASHANAYA ,oo xoolaleey sh/dhexe ka soo duushay beerahooda ka ceshanaayey.

1- Shabeelada hoose 2008 ilaa maanta kama jiro maamul ay dadka degaaanka soo doorteen kii hore oo gacan ku rimiska lagu dhameystiray ee dowladii tfg da aa wali jooga lagu daray kuwii gobolka horey ilaa manta dhibka ugu waday isbaaristayasha ah.

2- Dadka Gobolka duulaan dhan waliba ah aa logu wadaa ilaa manta .

3- Maamulkii benta loogu sheegay ilaa manta wax uu u soo kordhiyey oo an ahyen in uu sharciyeeyey kuwii dhibka ku haayey.

4- waxa uu soo kordhiyey in hantida gobolka gar ahaan afgooye dadkii lagu sii kordhiyo canshuur baad ah meelo badan looga qaado waxna loogu qabaneynin ,iyo umuro badan.

marka Dowladii dhexe dhibka gobolka ka jira dhib bey ka tahay wa ala cadeyey iyadaa cadeysay AMISOM AA CADEYSAY shacabkii gobolka aa cadeyey , AW maamul 3gobol masuuliyintisoow waxa idin qarsanaa waan aragnaa ee wax kalo aad dadka ku dhibtaan maa wali idin dhiman.

DARDARAN waxaan u soo jeedin lahaaa Dadka gobolka in ay iksu noqdaan dhexdooda qilaafadka yar yar xalistaan hal melna kasoo wada jeestaan.

Maamulka shariif , fursad fiican baad heystaaan lakin uma muuqataan kuwo ka faa ideysanaya dan shaqsi waa dhamaanee ee idku noqda guud ahaan maamulkaan aad ka dhigteen shirkad ganacsi cidwaliba wax ku darsan karto , dib isu fiiriya isa saxa , ka fakara 2016ka shirqolka soo socda.

Midnimo Aa guul lagu gaaraa.
Cabdiraxmaan sheikh maxamad

4 COMMENTS

  1. Ina sheekh maxaad:arinta inta aad soo marteyba uma baahna,aniga waxaan u arkaa in loo baahan yahay 1-wadani naf iyo maal u hura halganka lagu xoreynaayo dadk iyo dalka.2-in loo sheego dadka u dhashey gobolka shabeelaha hoose in ay isku tashadaan gudaha iyo dibada.ka dib xal deg deg ah ayaa imaanayaa.

  2. Ad baad u sharaxday laaakin wali jileecaa kaa muuqda xaqa sheeg ,digil iyo mirifle 2016waa u dhamaatay

  3. Rilwaanow idhegeyso:allah raxmadiisa lagama quusto,dgilmirifle weli wxuu haytaa fursado badan uu wax ku qabsan karo kuna hananaayo dalkiisa iyo dadkiisa haka baqin 2016 da,waxa imaan doono cidna ma oga marka laga reebo famaca warka ”gumeysiga key”

  4. ridwaan qofka watoow in digil mirif loo dhameeyo miyaa xaqsheegid noqoqtay?in dad xalaal quutada ah ladhibateyo miyuu waxlagu faano mooday mr ridwaan waxaan kugu tilmaami karaa jaahil ku aqli ah xoolaha cowska quuta waxaa saniib xuma ah dadka gobolkan ineey xumaha kamaqan tahay sababto ah soomaalida waxey jecel yihiin dadka xumaan sameeya oo weliba waa eey amaanaan qofka xun tusaale soomaaliyey toosa maxa loo dhahay inleen waa dad xun

Comments are closed.