Guuxa Dadweynaha…”Shariifoow Nijaaso Nijaaso kale ma lagu daahirin karaa?”.

3
50

qiyaanoWixii shalay dhacay oo lagu daray waxa maanta taagan waxay ku siinayaan in aad wax badan ka ogaato waxa beri dhici kara taa oo aan ula jeeda in waqtiga oo wax laga bartaa ay tahay tab mudan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Hadaba waa iga su’aale Maxaan ka baranay Dagaalkii sokeeye,Maxaanse kala soconaa dhacdo maalmeedka maanta,Mase leenahay aragti aan beri ku beegsan karno?

Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa hubaal ah inay shaley(Qoomamo) ka joogto dagaalkii sokeeye,raadkii uu reebay iyo mugdiga uu geliyay mustaqbalka dalka iyo dadka,
Waxaa sidaasi si lamid ah ay guud ahaan Ummaddu rajayn lahayd in laga daawoowo wixii dhacay waxna laga barto si aanu markale noogu soo noqon hayeeshee taa bedelkeeda ayaa waxaa dhanka kale aad uga muuqda gudaha bulshada Soomaaliyeed Siyaasiyiin aan wax dan ah ka galin Ummadda ay sheeganayaan inay masiirkooda ay Mas’uul ka yihiin,Ganacsato Xaaraan ku naax ah iyo Hogaan dhaqameed hungurigu hago.

Hadaba kol hadii xaalka guud uu sidaa yahay waa sidee xaalka gaarka ah ee Guuxa Dadweynaha ee maanta?
Waa dhab oo ma ahan maanta wax la dafiri karo in wadciga Shacabka uu yahay mid sareeya oo weliba (Kara) awooda inuu ka hadlo waxa muuqda iyo waxa daaha la duldhigay ee aan muuqan intuba.

Bal fiiri guuxa Shacabka iyo booqashada Mr. Sakiin ee gobolka Shabeelaha hoose Ma dib u heshiisiin mise Abaabul dagaal,Ma dulaalnimo mise Dawarsi,Ma dulmi mise Daacadnimo,Ma Riwaayad yaroo la jilo mise Unkid dowladnimo,Mise…Mise xaalku waa Madax salaaxid iyo Cimaamad raali gelin lagu doono?

Waa yaab Shacab dhulkiisii lagu dul haysto misna ku samir dulmiga la leeyahay oona loogu gogol galayo waa Cibaara aduun ee horta “Sac madoow caanihiisa maxaa cadeeyay” hadayan cibaaro aduun iyo wax ku qaadasho ahayn maxay kaloo micna leh oo ay dhalaysaa?

Wixii kaa nijaasoowa waa la daahiriyaa oo laguma daayo nijaasada ee Nijaaso sidee loo daahiriyaa?
Waxaan taasi uga goleeyahay maamulkan isba Nijaasada ah sidee looga sugaa inuu Nijaasada ka daahiriyo gobolka Shabeelaha hoose ayaa la weydiiyay xubin sare oo wafdiga Sakiin ka mid ahaa.

Intuu yara aamusay ayuu yiri”Usi weydii”

Waa su’aal kale oo iyana isweydiin mudane horta soo jireenoow weli ma aragteen Goob,Tuulo,Beled,Degmo amaba Gobol waan-waan,wadahadal iyo heshiis looga saaray reer Kirkire mise Anagaa mucjiso ah oo xaalkeenu waa gaar,dhif iyo naadir oo Kirkiraan inta aan Aamino oo ku cawaadnaa ka amaan helaynaa?waa wax caqliga ka fog ayaan is iri.
Waxaan dib isu tusay Hogaamiyihii reer Kirkire waxaana xasuustay goor uu lahaa”Inagaa maamulna 11 ka mid ah 18kii gobol ee dalka 7da hartayna xalbaan ka keenaynaa”Riyo xumaayaa oo naxal darnaayaa!

Maantana reer Kirkire xitaa halgobol oo buuxa kama taliyaan waxa beri lasugaana waa xitaa haldegmo oo buuxda inayan ka talin,Sow cibaaro aduun oo in wax lagu qaato mudan ma waanay ahayn!.

Shirkii dib u heshiisiinta beesha BiyoMaal iyo Habargidir maxaa kasoo baxay ayaa bulsho meesha fadhiday lagu dhex tuuray.

Waxaana si halhaleel leh warkii u qaatay nin malaha aad u soo dhegaystay idaacada beesha reer Kirkire…Wuxuu yiri Waa laguu hayaa waana laguu sheegi ee horta ma ogtahay in gobolka oo dhan anagu aan ka talino kol hadii ay sidaa tahayna heshiiskan waa dadka gobolka dega oo dhane horta haku koobin BiyoMaal iyo Anaga oo Digilna ku dar….Qodobada waa kuwan oo hadaan soo daabacay waa Todobo qodob Sedexna waxay nasiinayaan in aan gobolka sii haysano Afarta soo hartayna waa qodobo loogu daray dadka jecel inay wax badan akhriyaan oo weliba iyagoo soo jeeda is riyaysiiya ee kasoco.

Wey-wey oo hadana wey oo wey warkaaga intaas mow ahaay ayaa nin ul ku tiirsanaa goobtana ku sugnaa yiri.
Marlabaad intuu hadalkii dafay ayuu yiri kol hadii Isbaaroolaydii reerkeena uu Madaxweyne Shariif Dharka Ciidanka KoonfurGalbeed u gelinaayo,Ilihii dhaqaalahana uu noo saxiixay garoonka No-50,Dekeda Ceel Axmed,tan Baraawe,Jiida Jiilaal-Moog,Beerihii Janaale,Afarwaab dhoobeey,Banka Kurtunwaareey iyo Webiga Jiinkiisoo idil oo aan kuu raacshee dhamaan madaxda Amniga(Milatari,Nabadsugid iyo Booliis)sidoo kale madaxda Hay’adaha Samafalka iyo Bulshada min heergobol ilaa sideeda degmo inaan Anagu wadanahay ma ogtahay horta….Madaxweyne Shariifna uu qalinka noogu sharciyeeyay.

ILLAAHAA jooga ayuu warkii ku soo xiray odaygii caaboonaa balse wiil aad moodo inuu hada uun ogaaday heshiiska ayaa yiri sidaan dan ma ahee maxaan samaynaa?

Maxaad ka filan kartaa reer Kirkire inay kuugu jawaabaan kolka aad weydiiso waxaad samayn lahay adoo reer Alibeesteen ah? waa warcad oo lala gaban af buuxa ku yiri Isdhiiba inta aan la idiin dhamayn!.

War iyo gebagebadiis Mr.Sakiin maamulkiisa Najaasada xunbaarsan in aanu Najaasada ka daahirinayn gobolka awalba waan ogayne Maxaa inoo dan ah?

Kol hadaan Kirkire Daahir noqoneyn Shariifoow Nijaaso Nijaaso kale ma lagu daahirin karaa?”.

Waa inoo Talaadada danbe.

Abdiaziz ShSalah.

3 COMMENTS

  1. walaal warkaga waan aqriyey laakin ninkiiw ax fahmaayo aa wax kala bixi kara ,meshaas hadaan la dagaalin waxna leyska dhicin anga lee is eed edeyneyno waligena ,waqti wana heysanaa wali

  2. Abdi waad ku run sheegtay hase ahaatee dhegoole wax ma maqashin karta, indhoolese wax ma tusi karta, qof ugeeda lehna wax maka cilin karta.
    Aragtadaydu Sharif Xassan ma aha; waa umadda DM oo aqligu ka maqanyahay.
    Doqonbaan garan danteedie waa umad meel ka nasakhan. Hadii aad wax utaraysid Atlanta dukaamadeedi ugu raadi aqli 2nd hand ah.

    Salaan iyo ayaatiin suubban

  3. Dadweynow idhegeysta:hadal badan xaan ma buuxsho,waxa dhacaa waad arkeysaan,waxaan idinka codsanayaa guud ahaan digilmirifle gaar ahaan digil iyo biimaal,in aad tagtaan goobta ,oo gurmad u sameysaan dhalinyarada iyo waayeelka is xilqaamey ee ku maqan duurka,waa doqon ninkii isleh doonfaar beer soo galey yac yac la’aan ayuu ka tegayaa,aniga rayigeyga waan idin siiyey,dereskaaga ku dayo ama ku diin ee ku dayda hawiye talaabo haduu qaado idinkuna laba talaabo qaada.

Comments are closed.