Daawo Madaxweyne KuXigeenka Dalka Kenya oo Dalbadey Hey’adaha qaramada Midoobe Iney Qaxootiga Somaliyeed Dalkooda Dib Ugu Celiyaan

0
27

kenyaMadaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa dalbaday in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga Kenya lagu celiyo dalkooda muddo saddex bil gudaheed ah.

Ruto ayaa sheegay in go’aanka ay ku wargaliyeen hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR , haddii ay ku guul darreystaana ay dowladda Kenya sameyn doonto dib u celinta qaxootiga, islamarkaana ay xiri doonto xeryaha.

Mas’uuliyiinta waqooyi-bari Kenya oo uu ku jiro hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa horey u sheegay in xeryaha qaxootiga ay gabbaad u noqdeen kooxaha argagixisada.