Weerar is Qarxin ah oo Kol Dhaweyd Lagu Qaadey Xarunta Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare

0
36

Wasaradda_Hiddaha_talciinta_SareQarax ismiidaamin ah oo aad ayaa goor-dhow lala beegsaday dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku taalla agagaarka isgoyska Zoppe ee Muqdisho.

Weerarkan oo aanay jirin cid illaa hadda sheegatay ayaa ahaa mid qorsheysan; iyadoo dad goobjoogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen inay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad shacab ah oo ka ag-dhawaa goobta.

Dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ayaa waxaa ku ag-dhow goobo ganacsi iyo hoteello, iyadoo sidoo kale darbiga wasaaradda lagu iibiyo jaad, iyadoo xilligaas si aad ah loo kala iibsanayay jaadka.

Sidoo kale, xarunta wasaaradda ayaa waxaa ku sugnaa shaqaalihii wasaarada qaarkood, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray qaraxan, iyadoo ay sheegayaan wararka qaarkood in qaraxa kaddib la maqlayay rasaas badan oo dhacaysa.