Guuxa Dad weynaha..Xaalka Baarlamaanka Juba”Hal booliya nirig xalaal ah Madhasho”

4
64

libeehoWaxaa socda soo xulista Baarlamaanka Waxa uu maraayaa heer gebagebo ah,Waa lasoo dhamaystiray,Kol dhow wax baad maqli doontaan,Beelaha waa ay wada qanceen,Wax hareyba ma jiro oo maalmaha soo socda waa lagu dhawaaqi iyo erayo la mid ah ayaa waxaa maalinwalba Saxaafada u sheega shaqsiyaad ka tirsan maamulka KMG ah ee Juba.

Dhanka kale Waan ka baxnay Shirka,Xuquuqdeenaa ka weyney,Reerbaa siduu doona ka yeela,Meel heblaayo inagaa ku badan,Reer hebel maba degaan degmadaan,Degmadeena waaba laga tagay,Xuquuq maqan baa jirta,Dacweynu nahay,Urur hebel dhexdhexaad kama aha arimahan soo xulista Baarlamaanka iyo kuwo la mid ah ayaad ka maqlaysaa dhanka kale.

Balse waxaa isweydiin mudan waxa xaalka ka dhigay ma dhamaato oo uu u soo dhamaystirmi la’yahay Baarlamaan uu yeesho maamulka Juba mise xaalka taagani waa “Hal booliya nirig xalaal ah ma dhashee horta maamulkan Juba yaa dhalay?”Waa su’aal inagu filan noogana filan in aan wax ka barano ogaanana waxa uu salka ku hayo ismari waaga taagan.

Sida dhabta ah si waxbadan loo fahmo waa in aan dib ugu laabano Kismaayo iyo Jubooyinka sida uu xaalku ahaa iyo sida uu yahay maanta bal si aan wax uga bidhaamino gunta hadalka iyo biyo dhaca dhibta taagan maanta ee ku hor gudban xal laga gaaro qaybsiga xubnaha Baarlamaanka Juba”Juba-juba…Juba…Juba aakah…aakah Shololob”.

Inkasta oo ayan taariikhda qorani wax badan ka sheegayn gobolka ayaa hadana waxaa hubaal ah in gobolku uu leeyahay Taariikh facweyn maadaama uu lahaa misna leeyahay gobolka sedexda shey ee kaaba nolosha uumiyaha sameeyana Ilbaxnimada oo kala ah Wabi,Beer iyo Bad,Balse la dayacay taariikhdaas muga weyn ku fadhida oo maanta wax badan oo badbaada ah u keeni lahayd ummadda ku wada dhaqan dhulkaas.

Taariikhaha Muhiimka ah ee aan rabno inaan Ifino waxaa ka mid ah in gobolku ay ka talin jireen maamulo yar yar ah sida maamulkii boqortooyadii reer Tuni ee hogaanka u haysay boqoradii Afmadoow xarunteedana ahayd degmada Afmadow,Kii beesha Baajuuni,Wardaayda,Oormalaha,Gasaara gude,Gawaawiin,Reer Goleedka iyo Jameecadii Canbuuryaweyn ee reer Gare oo Baardheere ka aflaxday.
Maamuladii yaryaraana waxaa meesha ka saaray maamulkii Ajuuraan burburkii maamulka Ajuuraan kadibna waxaa maamulka la wareegay Bortooyadii Geledi oo xarunteeda ahayd misna ay ilaa iyo maanta tahay Afgooye sanadkii 1836 ilaa laga gaaro 1861 kadibna waxaa sheegtay dhulkii oo ku qabsaday boqortooyadii Gedeli boqortooyadii Carabta Cumaaniga ahayd ee loo yaqaanay Masqad taasi oo gacanta ku haysay qaybo ka mid ah xeebaha bariga Afrika sida Zenzibaar iyadiina waxaa kala wareegay boqortooyadii Ingiriiska 1925 kadibna Ingiriiskii waxa uu raaciyay Koonfurta Soomaaliya oo Talyaanigu joogay kadibna waxay Xoriyadii la qaateen dhulweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka koobnaa midnimadii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur Kowdii Luulyo 1960kii.

Xoriyadii kadib ayaa waxaa sii xoogaystay tartankii loogu jiray hanashada dhulkan barwaaqadu isu raacday ee Juba waxayna taasi keentay in xaalka Juba uu maalinba qolo uu gacanta u galo waxaana laga xusi karaa Isbahaysatadii Harti ee gobolka kaga timid dhinaca xeebta,Tii Absame ee kaga soo caarisay Juba xuduuda Keenya iyo Itoobiya iyo Sade oo maamulkii Siyaad Bare dhidibada ugu aasay gobolka wixii ka danbeeyay 1969kii.

Magaalada Kismaayo iyada warkeeda waxa uu ku kooban yahay magaca oo micnihiisa la fahmo waana sidan Kisima yaajuu oo micnahoodu yahay ceelka hore murana kama jiro dhulkaasi inuu yahay dhul ay beesha Baajuuni leedahay inuu yahay.

Ma ahan tani taariikh la dafiri karo oo ilaa iyo maantay taagan tahay bal gadaal u fiiri xiligii burburka 1991 waxaa Juba ka talin jiray Moorgan oo reer Bari ah, Gabyow oo reer Keenya ah,Jees oo reer Itoobiya ahaa sidoo kalena Gaani iyo reerkiisa oo kayimid Galgaduudna qayb bay ka ahaayeen ilaa ugu danbayn ay reer Galgaduud gacanta ku dhigaan Juba iyagoo isbahaysi ah”Dooxada Juba”Kadib Islaamiyiintii(Maxkamadaha iyo Raaskanbooni) kuwaasi oo ugu danbayna shaarka rogtay kalana baxay waxaana xusid mudan in maanta gobolku uu gacanta ugu jiro Beesha Ogaadeen iyo Maleeshiyadeeda Raaskanbooni iyo ONLF halka taageero dhan walba ahna ay kaga helayaan sii haysashada gobolka Dowladaha Itoobiya iyo Kenya sidoo kalena Urur goboleedka IGAD.

Kol hadaan taariikhdaas wax ka fahamnay sow macada waxa laysku haysto?ayaa Oday guudkiisu cadaa yiri.

Sidii loo sugayay cid jawaab bixisa amaba cid qaadata hadalka ayaa waxaa marqura la maqlay dhawaqa rasaas taasi oo ooda looga rogay ruuxii taariikhdaasi kooban dhigay kala carar iyo cagahawgow i baxso ayaa goobtii ka dhacda kadibna ruux orodka ku soo xiiqay ayaa yiri “Waxaa loo dilay oo kaliya maxaad Runta u sheegtay oo aad dadka u maqashiinaysaa dhabta dhulkaasi iyo dhaxalkiisa cida leh”.
Waa xaal aduun dad raba inay qori caaradiisa iyo Af ku qaataan dhul dadkii lahaa soo taagan ayaa nin dhalin ah balse cid hoose ku hadlaayo si layaab leh u yiri.

Waxaan nahay dad u doodaya xuquuqda dadka gobolada Jubooyinka oo dhan sidaa oo ay tahay hadana ogolaan mayno in aan Ogaadeen waxa uu helay ka yar nalasiiyo ayuu yiri oday siyaasi sheeganayay oo beeshiisa u muujinayay inay ka dhab tahay rabitaankooda,Bal fiiri Gedo oo dhan waa gobolkeena oo ay Soomaaliweyn oo dhan inoo taqaano hadana waxaa la leeyahay Raxanweyn baa idiinku haysato,Gare iyo Ajuuraan waa yaabe xagee joogaan dadkan mise waxa la sheegayo waa dad berigii hore halkan joogijiray ayaa siyaasi kaloo is idho tiraaya yiri.

Gobolka Gedo,Jubada dhexe iyo Qaybo badan oo ka mid ah Jubada hoose in luqada koowaad ee looga hadlo ay Maay tahay ma ogtahay ayaa oday fajacweyn ka qaaday sheekada socota lasoo booday.
Mid dhiniciisa fadhiyaa yiri”Ay ing sheegoow haayte,Doo hadii walgalaa kiikaa Faswa”
Nin derajo ciidan ku rarnayd ayaa durba hadalkii qaatay oo yiri war nimanku ma waxay ku hadlayaan af Yugaandhees oo ma Ciidamadii AMISOM oo dharka ciidan soo dhigtay miyaa?
Qosol aan loo kala harun iyo xifaalo hadalka loogu koobay.

Abdiaziz ShSalah.

Waa inoo Talaado danbe iyo kulan xiisa leh.

4 COMMENTS

  1. Hala xoojiyo abaabulkii socdey iyo wax iska caabintii”waxaan aminsanahay in wax waliba meeshoodi asalka ahayd ay ku soo noqonayaan”

  2. anigaaba hortaadi yaabi yaab ku darsaday adigu qoraa waa tahay laakiin habadda inaad rido ayaa lagaa rabaa oo madaxa jibiso ayaa ah falka kale oo kaa reeba kara hadii lawaayo warka jooji inta lagaa joojin wareer baa ku hayn doona

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Warku sida aad moodeen ma aha”dhul ninkiisi baa iska leh”

Comments are closed.