Weerarkii Jaamacada Gaarisa oo La Sheegey Iney Geysteen Muwaadiyiin Kenyaan ah oo Kasoo Jeeda Mombasa

0
40

garisaKooxihii weeraray Jaamacadda Garissa ee Kenya oo ahaa afar qof ayaa la sheegay inay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenyan; iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee dalka Somalia.

Warbixin sirdoon oo ay baahiyeen wargeysyo caalami ah ayaa lagu sheegay in saddexda ruux ee weerarkan ka qaybgalay ay ahaayeen muwaadiniin Keenyaan ah oo kasoo jeeda gobolka xeebta ku yaalla ee Mombasa iyo degmo ku taal galbeedka Kenya ee Bungoma.

Jariiradda Nation ee kasoo baxda Nairobi ayaa iyadana sheegay in caddeynta ragga weerarka geystay la xaqiijin doono marka lasoo gaba-gabeeyo baaritaan dhinaca faraha ah oo weli ay sirdoonka Kenya sameynayaan.

Weerarka Gaarisa ayaaa lagu dilay ugu yaraan 148 ruux oo xilligaas ku sugnaa dhismaha Jaamacadda Garissa; tiro kalana waa ay dhaawaceen, iyadoo weerarkan uu socday muddo 16-saacadood ah.

Booliska Kenya ayaan weli jawaabin warbixintan cusub ee soo baxay oo ee lagu sheegay in kooxihii weerarka ku qaaday Jaamacadda Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya inay dhammaantood ahaayeen Kenyan.