Roobka Guga oo ka Curtay Degmada Wanleweyn

0
32

imgres

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Wanleweyn ayaa sheegaya in Shalay Roobka Guga ka da`ay Xaruunta Degmada Wanleweyn iyo Tuulooyinka Degmada hoos imaada. Roobka ayaa aad u biyo dhigay , Warahana biyogaliyay. Dadka Deegaanka oo Maalmahan Jiilal daran ku jireen ayaa si aad ugu farxay Roobkan. Dadka Deeganka ayaa aad ugu tiirsan Beer falashada iyo Xoolo dhaqashada sido kalena Boqolkii Boqol ku tiirsan Roobka. Dadka Beeralayda ah ayaa mar hore Beerahooda abuurtey, kuna farxeyn Raxmada u da`day. Beeraha Biyogalka ah ayaa Hareeda warantahay, taaso badanaa markay Biyaha gursato la Makiineeyo, Badanaa Beerahan Biyoreebka ah waxa lagu farjiyaa (beeraa) Sisin iyo Galay.

Dhanka kale Dadka Xoolo dhaqatada oo Baryahan Jiilalka si xun u saameeyay, ayaga iyo Xoolahooda Oon hayay ayay aad ugu riyaaqeyn Roobka u da`ay , Dhulka u waraabay iyo Waraha u buuxsamey. Waxaa xusid mudan in tan iyo Abaartii 2011 ay Dadka Deegaanka Barwaaqo iyo Bashbash ku jiraan oo Xilli walba Roobka u da`ayo , taasina waa Mahadda alle iyo Naxriistiisa. Ilaa iyo hadda ma soo gaarin Isha Wararka Daafeet waxyeelo Roobkaas Dad iyo Duunyo u geysteeen.