Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Maamul Goboleed Puntland oo Maanta Lagu Diley Xaafada Taleex

0
31

breaking nXildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland, ayaa lagu dilay maanta Magaalada Muqdisho oo kooxo hubaysan ay toogteen.

Dilka Xildhibaanka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan, markii baabuur uu saarnaa Xildhibaanka baabuur kale lagu hor jaray, kadibna la rasaaseeyay.

Xildhibaankaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Xaaji Xuseen, wuxuuna Magaalada Muqdisho u joogay howlo isaga u gaar ah.

Raggii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka, ayaa ka baxsaday goobta, waxaana soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ciidamada ammaanka ee Degmada Hodan.