Ciidamo Kenyan ah oo Maanta Lagu Diley magalada Kismaanyo Qaar Badana Looga Dhaawacay

0
46

Kenyan_Army_in_SomaliaWararka naga soo gaaraya magalada kismaanyo ayaa sheegaya in ugu yaraan Saddex Askari oo Kenyaan ah ayaa lagu dilay siddeed kalena waa lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen konolyo gaadiid ah oo wateen ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa sheegey in ciidamada dilka iyo dhaawaca loo geystay ay xilliga ay Al-shabaab weeraraysay ku sugnaayeen deegaan ku dhow deegaanka Taabto Sabtidii shalay.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in askartii dhaawacmay loo qaaday xilli dambe deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo looga dhoofiyay magaalada Nairobi si loogu daweeyo.

Al-shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku haysay askarta Kenya ee qaybta ka ha howlgalka AMISOM ee ku sugan Koonfurta Somaila, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Somalia.