Shaqale Ka Tirsan Hey’ada UNICEF oo Maanta Qarax Lagula Beegsaday Garoowe

0
26

UN GaroweQarax geystey dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka aroortii lala beegsadey gaari Bus ah oo ay leeyahay hey’ada UNICEF, Qaraxaas oo ku dhinteen tiro dhan ilaa iyo sideed ruux qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in shan ka mid ah dadka geeriyooday ay ahayeen ajaanib ay ku jiraan kuwa u dhashay Kenya,waxaana dadka geeriyooday ku jira laba ruux oo Soomaali ah oo ka shaqaynayay xafiiska UNICEF ee Garowe.

Waxaa qaraxan oo ka dhacay agagaarka Hotel Rugsan oo ku dhow xafiiiska Qaramada Midoobay ee Garowe laga dareemay qaybo kamid ah magaalada, waxaana intaa ka dib la maqlayay rasaas ay ridayeen ilaalada xafiiska.

Ciidamada amniga degmada Garowe ayaa wax yar uun ka dib qaraxa soo gaaray goobta, waxaana ay xireen dhamaan jidadka soo gala wadada uu qaraxu ka dhacay ,mana jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah uga hadashay weerarkan.