Daawo:- Mid ka Mid Ah Malaaqyadii Burburiyey Koonfur Galbeed oo Ka Cabanaya Axmed Madoobe

1
54

leysanowWaxaa shaley kulan ku yeeshey magalada baydhabo qaar ka tirsan waxgaradka kasoo beeda Beesha Gelidle ayagoo ka cabanayey qaabka loo qeybsadey baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe, Balse waxaa nasiibdaro ah in kulankaasi uu kasoo dhex muuqdey Malaaq Ibraahin Leysaanow oo ka mid ahaa malaaqyadii burburiyey maamulkii ay raacsanaayeen shacabka koonfur galbeed ee lexda gobol.

Malaaqa beesha Geelidle Malaaq Ibrahim Leysaanow oo safka hore ugu jirey burburintii maamulka lexda gobol ayaa maalintii shaley isaga oo la hadlaaya warbaahin waxaa uu dhaleeceyn usoo jeediyey maamulka Axmed Madoobe.

Malaaqan isagoo og inuu kasoo jeedo deegaanada uu boobka ku heystey Axmed Madobe ayaa hadana waxaa uu door bidey markaas in uu u hibeeyo Axmed Madoobe uuna taageero maamulka uu Shariif Xasan xooga ugu maquuniyey shacabka koonfur galbeed.

Malaaq Ibraahin waxaa uu ka tirsanaa 9 ruux oo isugu jira malaaqyo iyo suldaano qeyb libaax ka qaatey sidii shacabka koonfur galbeed ay gacantooda kaga saari lahaayeen maamulka lexda gobol una kala qeybin lahaayeen deegaanada koonfur galbeed ayagoon ka fiirsan dhibaatada ay mustaqbal keeni tahay, Balse waxaa mahad leh ilaaheyn oo ayagoo tagan tusey qaladkii ay shaley ka galeen bulshadooda.

$

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ibrahim leysamow:warkeyga dhegeyso”daraat waad degaan xumeyd,xaleyna waad orod xumeyd,hadda aan joogno waad aragti xuntahay”waxaan kugula talin lahaa in aad ka xor leexato umadda Digilmirifle,oo aad tiraahdo kaca oo dhulkiina ka dhacsada cadowga ku soo duulay.

Comments are closed.