Dhegeyso:-Maxamuud Sayid Aden oo ka hadley Banaanbax looga soo hor jeedo Maamulka KMG ee Jubba oo maanta ka dhacay Garbahaarey

1
27

Maxamuud-SayidBanaanbax looga soo horjeeda Maamulka KMG ee Jubbaland, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, iyadoo shacab iyo masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi ay ka qaybgaleen banaanbaxa.

Ujeedada Banaanbaxa ayaa aheyd in looga soo horjeedo qaabka soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka KMG ee Jubba oo ay sheegeen dadkii banaanbaxa dhigaayay in qaab loo dhan yahay aanan loo soo xulin.

Maxamuud Sayid Aden oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Gedo oo ka qaybgalay Banaanbaxa, ayaa sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn qaabka loo soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka yimid Gobolka Gedo oo aan lagala tashan dadkii mudnaanta lahaa.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Gedo oo iyagana banaanbaxa ka hadlay ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan diidmada ay ka muujinayaan qaabka soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi Jubbaland.

Tan iyo markii la shaaciyay Xildhibaanada Maamulka Jubbaland waxaa soo baxaayay dhaliilo kala duwan oo loo jeedinaayay hanaanka loo maray soo xulida Xildhibaanada Maamulka Jubba, iyadoo maamulkaasi uu dhaga ka fureestay ka jawaabida cabashooyinka la xiriira qaabka soo xulida Xildhibaanada.

Maxa,uud Sayid Aden oo ka warbixiyey Banaanbax maanta Ka dhacay Magaalada Garbahaarey

1 COMMENT

  1. Beesha Caalamka unpos waxaan filayaa iney Somalia u diyaarineyso dagaalkii finalka ahaa maxaa yeeley waxey iska indho tireysaa xaqiiqda Beelaha asal ahaan Jubooyinka u deganaa, kuna bedeli rabtaa beelo ka tirsan Gobollo aan Somalia ahaynin.

    Waxaanse la yaabey Beesha Ogaadeen ma Umul baa oo ilowsho dhowaa, ma xasuusato miyaa Xasuuqii loogu soo geystey Hargeisa oo ay sheegatey iney leedahay xilligii Siyaad Barre, mase xasuusato miyaa Xasuuqii kale oo loogu geystey Hiiraan, Beledweyne oo Bakhtigooda lagu shubey Wabiga Shabelle ??

    Waxaan shakki ku jirin in sidaas oo kale loogu gali doono Jubbooyinka oo hadana meydadkooda lagu daadin doono Wabiga Jubba iyo Badweynata Hindiya halka ay isaga darsamaan, yaan la sugi waynin oo waxaa ka dhiman keliya inta ay Kenya ugala baxeyso ciidankeeda Somalia.

Comments are closed.