Qaar Ka Tirsan Somalida Ku Nool Dalka Mareykan oo Ka Bananbaxay xarig Loo Geystey Dhallinyaro Somaliyeed

0
24

bananbaxSoomaalida ku nool Mareykanka qaarkood ayaa dhigay bannaanbax ay uga soo horjeedaan xarig dhawaan dowladda Mareykanku u geysatay lix dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish/ISIS.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay Mareykanka uga codsanayeen in dhallinyaradaas ay kusii dayso waxaana ereyada ay ku dhawaaqayeen ka mid ahaa in dhalliniyarada la xiray ay u baahan yihiin; Cadaalad iyo Sinnaan.

Hooyo dhashay laba ka mid ah lixda dhallinyaro ee la xiray ayaa sheegtay in ciidamada sir-doonka dalkaas ay si xun ula dhaqmeen caruurteeda, waxayna tilmaantay markii la xirayay wiilasheeda inay jiiftay.

Dhawaan ayay ahayd markii FBI-da Mareykanka ay xireen lix dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay xariir la leeyihiin Daacish oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.