Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya oo Soo Dhaweeyey Dhisida Baarlamaanka KMG Ah ee Maamulka Axmed Madoobe

0
19

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee maamulka Axmed madoobe oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in hannaan walba oo la dhaqan-gelinayo ay lasoo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kaddibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka geystaan gacan barnaamijyada lagu hirgelinayo hannaanka federaalka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee kol dhow ayey aheyd kolkii ay beesha caalanka arintaas soo dhaweeyeen ayadoo aysan xukuumada federalka soo dhaweyn taasoo ku tuseysa in dlka aysan masuuliyadiisa gacanta ku heyn balse ay maamulaan kooxo kale ayadoo xukuumada ay ku qasban tahay iney raacaan go,aanada kasoo baxa beesha caalamka