Dhegayso..Maxaa hakiyay dagaalkii ciidamada Dowlada ee gobolka Gedo ay kula jireen Xarada Shabaab

0
105
geedo
Saraakiisha Ciidamada DF ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxay sheegeen khilaafka soo noq noqda ee Xukuumada iyo Mishaar la,aanta Ciidamada in ay hakad balaaran ay ku keeneen howlgaladii Ciidamada Dowlada,Ehlu sunna iyo AMISOM ay ku doonayeen in ay kula wareegaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay maamulaan Xarakada Alshabaab.
Col.Faarax Cabdi Cashir oo ah Madaxa howgelinta CiidamadaDF ee Gobolka Gedo oo Wareysi siyey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM eeka howlgala Gobolka mudo sanad ah in aysan waxdagaal ah la gelin Alshabaab,isagoo arintaasina ku sababeeyey is qab qabsiga u dhaxeeya Madaxda ugu sareeysa Xukuumada oo uu sheegay in ay ka gaabisey how gelinta Ciidamada.
Col Faarax oo aan weydiinay waxa ay kala socdaan XarakadaAlshabaab oo dagaalo maalmahan dambe ka wada deegaano ka tirsan Gobolka W/Bari ee dalka kenya,iyadoo Ciidamadooduna ay ka soo talaabayaan soohdinta labada dal,gaar ahaan dhinaca Gedo ayaa waxaa uu yiri arintaasi waxaa sabab u ah dalka Kenya oo mor horeba ay ku badnaayeen dad taabacsan ama xariir la leh Alshabaab iyo iyadoo kenya aanan looga baran faregelin joogto ah,arimahaasi ayaa sabab u ah ayuu yiri in shabaab ay bartilmaameedsadaan Kenya.