Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Sheegey in Dalka Somaliya Lagu Leeyahay Deyn Dhan 2.5 Bilyan

0
29

xasanMadaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Deymaha Soomaaliya lagu leeyahay ayaa sheegay in lacag gaareyso 2.5 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah lagu leeyahay dalka somaliya.

Xasan sheekh ayaa sheegey in la qaban doono Shir Weyne looga hadlayo Deymaha Soomaaliya lagu leeyahay iyo sidii deymahaasi looga caafin lahaa isagoon sheegin halka ay martey 2.5 bilka ee lagu leeyahay dalka somaliya

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hadii arrintaasi lagu guuleysto in Soomaaliya ay dib u heleyso fursad ay dib ugu dhisato Dalkeeda.isla markaana dhaqaalo badan u abuurato.

Si kastaba arintu ha ahaatee deymahan la sheegayo in lagu leeyahay dalka somaliya ayaa marar badan waxaa ka hadley hey’adaha baara musuq maasuqa ayagoo inta badan sheegey in lacagahaas lagu sameysto hanti gaar ah.