Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya xasan Sheekh oo Kol Dhaweyd Gaarey Magalada Cadado

0
29

xasan sheekhMadaxweynaha dowlada federalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenkiisa, wasiirro, xildhibaano iyo inta badan dadweynaha magaalada Garowe ayaa madaxweynaha  Somalia ku soo dhaweeyay  Garowe.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe ay ka qayb-galaan shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka oo wajigiisi koowaad horey loogu soo qabtay magaalada Muqdisho, waxaana safarkan mid lamid ah Garowe ku imaaan doona madax ka socoto maamul-goboleed-yada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada federalka Somalia iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa iminka madaxtooyada ku leh kulan ay saxaafaddu dibad joog ka tahay,kaasi oo aan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha looga hadlayo ,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah.