Maamulka Shriif Xasan oo Lagu Soo Waramey Iney Wariye Xaley Ku Dileen Magalada baydhabo

3
42

dauudWararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Bartamaha Magaalada Xalay lagu dilay Wariye ka mid ah weriyeyaasha ku sugan magalada baydhabao iyo xaaskiisa.

Wariyaha la Dilay oo magaciisa la yiraahdo Daa’uud Cali Cumar,waxaana la soo warinayaa in Guriga loogu dhacay oo halkaa lagu Toogtay isaga iyo Xaaskiisa.

Sidoo kale Waxaa halkaa ku dhintay Ruux kale oo Dadka Dariska kamid ahaa oo usoo gurmadey ka dib kolkii ay maqleen rasaasta.

Wali ma jirto Cid sheegatay Dilka Wariye Daa’uud Cali Cumar oo kamid ahaa Wariyaasha Gobolka Baay.

Ciidamada Amaanka iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa wada Baaritaano  lagu  ogaanayo Dilka Wariyaha Xalay lagu Dilay Baydhabo ayagoo tilmaamey in dadka falkaasi geystey ay u baxsadeen tuulo ka mid tuulooyinka dhaca duleedka magalada baydhabo taasi oo ilaa afar kiiloo mitir u jirta magalada

Dhanka kale goob joogayaal ku sugnaa goobta ay mashaqadu ka dhacdey ayaa dhankooda waxaa laga soo xigtey in ninanka falkaa dilka ah geystey ay ahaan ilaa iyo 4 ruux kuwaasi oo sida ay goob joogayaasha ku waramayaan ay u baxsadeen dhankaasi iyo madaxtooyada magalada baydhabo.

Si kastoo loo dhigaba dilka wariyahan ayaa waxaa uu imanayaa iyadoo dhowr jeer wariyeyaasha ka howl gala magalada baydhaba ashtako ka muujiyeen qaab dhaqanka caburiska ku dhisan ee maamulka shariif xasan uu ku hayo wariyeyaasha reer baydhabo.

3 COMMENTS

  1. Ina Lillahi wa Inaaillahi rajicun Allah ha uu naxaristo marxumkani iyo Xaskisa wixi dilkoda ka dambeyeeyna ASWt ayaa la xisabtamayo Adunyo iyo Aqirabas

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Allah ha u naxriisto wariyaha,xaaskiisa iyo deriska u soo gurmadey,janadii fardowsa allah haka waraabiyo”wadani fikir kiisa loo dilay”

Comments are closed.