Howlgalo Dad badan lagu Soo Qabqabtey oo xaley Laga Fuliyey Qaar Ka Tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir

0
20

barisCiidamada amniga dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa xalay howlgallo ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyay degmooyinka Hodan, Wardhiigley iyo Howlwadaag oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Howlgalka oo bilowday 2:00 habeennimo ee xalay ayaa socday illaa saaka aroortii hore, iyadoo ciidamadu ay guryaha u baarayeen mid-mid halkaas oo ay kala soo baxayeen qofkii ay ka shakiyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo howlgalka kaddib hadlay ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka uu ahaa sidii loo u gaarsan lahaa xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ku dhuuma-naya Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo howlgallo dad badan lagu soo qabqabtay ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan Muqdisho, iyadoo howlgalladan ay imaanayaa xilli dhawaan ay dowladdu bixisay digniino ku saabsan qaraxyo ka dhaca Muqdisho.