Dhegeyso Cabdi Qeybdiid oo Sid Cad uGa Soo HOrjeestey Heshiiskii Garowe

1
40

cabdi-qeybdiidMadaxweynaha Maamulka Galmudug C/qaybdiid ayaa dhibaato ku tilmaamay heshiiskii shalay Magaalada Garoowe ee Puntland ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka.

C/qaybdiid wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid dhibaato iyo carqalad hor leh abuuraya, isaga oo intaasi raaciyay hadalkiisa in tani ay abuureyso jawi kale.

Wuxuu sheegay Qaybdiid Gobolada Dhexe 80% inay dagaan dad hoostagga Maamulka Galmudug, halka 20% uu sheegay inay degaan dad reer Puntland ah.

Heshiiskii shalay ay wada gaareen Dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa qodobka ku aadan Maamul u dhisida Gobolada Dhexe wuxuu dhigaayay sidan qodobka, C) Ergooyin ka socda gobolka Mudug qaybta Puntland lagama qaybgelin karo shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe.

cabdi qeybdiid

Halkan Hoose Kaga dhegeyso Mobilkada

cabdi qeybdiid mobil

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Labadii dulmi ku heshiisa,xaqa ayey ku diriraan,waxaan dhowreynaa finalka galmudug iyo buntland,

Comments are closed.