Dhegayso..Suldaan Beyle”Gobol Cusub hala magacaabo si looga baxo ismariwaaga ka taagan Gobolada dhexe

0
38
beyleSuldaan Beyle Cumar Daad oo ah Afhayeenka Odoyaasha Dhaqanka ee  ku sugan Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in wax suurtagali kara aysan ahayn heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe,taasi bedel keedadana loo baahan yahay in Gobol kale  la magacaabo si labo Gobol loogu sameeyo Maamul Goboleedka G/Dhexe ee Soomaaliya.
Suldaan Cabdicasiis Cumar Daad oo u Waramayey Warbaahinta Wadajir ayaa sheegay in ay soo jeedinayaan in dowladdu magacawdo Gobal cusub si maamulka la sameynayo uu u noqdo labo gobal iyo wixii ka badan,islamarkaana Gobolkaasi magaalo madaxdiisu ay noqoto Magaalada Cadaado,si looga baxo ayuu yir khilaafka soo noq noqonaya.
Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii Garoowe uu ahaa mid mudan in laga fiirsado kahor inta aan la gelin, sababtuna ku sheegay in Dastuurka uu qabo Laba gobal iyo wixii ka badan in maamul gobaleed loo sameyo,balse heshiiskii lagu gaarey Garoowe uu u muuqanayo mid maamul loo dhisayo Hal Gobol iyo Bar,taasoo uu sheegay inay ka hor imaanayso Dastuurka.
Suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii Garoowe uu ahaa mid mudan in laga fiirsado kahor inta aan la gelin, sababtuna ku sheegay in Dastuurka uu qabo Laba gobal iyo wixii ka badan in maamul gobaleed loo sameyo,balse heshiiskii lagu gaarey Garoowe uu u muuqanayo midmaamul loo dhisayo Hal Gobol iyo Bar,taasoo uu sheegay inay ka hor imaanayso Dastuurka.
Wuxuu sheegay in howsha maamul u sameynta goballada dhexe ay marayso meel wanaagsan, wuxuuna ku baaqay in loo midoobo dhismaha dowlad gobaleedyada ka aas aasmaya Dalka.
Si kastaba ha ahaatee Arinta ku aadan in la kala qeybiyo gobalka Mudug ayuu sheegay in dowladda ay ku raadinayso maslaxad si aysan u dhicin is faham waa ama qalalaasyo bilawda.