Guuxa Dadweynaha”Kulankii Garowe ma waanu Garxirkii ka furin Puntland”

1
59

bilGuud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxay isku wada raacsan tahay in ilaa iyo maantadan aan joogno aan wadanka weli ka dhicin Dib u heshiisiin dhab ah oo taaba gal ah taasi oo sida laga wada dheregsan yahay astaan iyo aas-aasba u noqon lahayd Wadajirka ummadda iyo Is-aaminaad ku dhisan Sinaan iyo Cadaalad ugu danbayna horseeda Horumar aan kula jaanqaadno Ummaddaha kale ee Dunida nool.

Shirar kolba meel lagu qabto gudaha dalka iyo dibadiisaba,Qolana diida,Kuwana u sacaba tuma,Qaarna dood geliya,Inta soo hartayna maxaa lasheegayda iyo Markhaatino u jooga sidaa oo ay tahay hadana ugu danbayn intii isu sacaba tumay gogol laab uga dhiga shirka Soomaaliyeey Toosoo saxaafadana lasiiyo qodobada Shirka wax loogu yeero kadibna aan layska waraysan waxa ka fulay go’aamadii shirka sidaa si lamid ah hadana mid kale iyo mid kale iyo mid kale la qabto.

Waa tira beel inta jeer ee la qabtay waxa loogu yeero shirka dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed oo tan iyo bilowgii burburka waxaa jiray shirar dib u heshiisiineed oo loo qabanayay Soomaalida xitaa shirarka dib u heshiisineed qaarkood waxay ka horeeyeen burburka oo dowladii Milatariga iyo Jabhadihii is hayay waxaa dhowr jeer laysku dayay in dib u heshiisiin sal leh loo sameeyo si aanu wadanka u burburin balse “Nimay meeli u cadahay meeli ka madowe”guud ahaan isku dayadii lasoo sameeyay ku dhowaad 40 sanadood waxaan maanta ka joognaa wax loogu yeeray (Madasha Wadatashiga Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah) oo uun la micna ah anba qaadka dib u heshiin sal leh waxayna mar kale tusaale u tahay in aan weli la heshiin iyadoo aan waxba layska weydiin heshiisyadii hore in la galo kuwo cusubna waxayba noqdeen wax iska caadi ah sidoo kale in maalin walba la inoo maareeyo howl maalmeedkeena waxay noqotay mid mas’uuliyiinteenu aad ugu qanacsan yihiin.

Khilaafaadka hareeyay wadnaha Soomaalidu kolba heer ayuu soo marayay kolbana reer ayaa diidanaa halka reer kalena uu gadaal ka riixayay sidoo kalena beesha caalamku hadba cidii fikirkooda wax u eg goobta la timaada ayay taageero u muujinjireen iyadoo si ula kac ahna ay wax badan kaga fogaan jireen.
Shirarkii loo qabtay Soomaalidu burburka kadib midba waxbaa diirada lagu saaray waxbadan oo gunta khilaafku ahaana banaanka ayuu soo dhigay ina(Qayb) waa la xaliyay ina waxaa loo daayay wakhtiga,Wakhtiguna waxa uu soo garguurto soona gebi dhacleeyaba waxa uu maanta dul joogaa halka ay sartu ka quruntay shalayna laysku khalday doraadna sida Jar Shan iyo Aflaay laysugu degay”Jari waa Jahwareer iyo Jidkoo laga habaabaaye tana Juk dheh”
Xaguu inaga haystaa Jahwareerkan cusub ee aynu lugaha lasii galayno?ayaa nin oday ahaa dareensana in si uun bulshada Soomaaliyeed meel u la’dahay isweydiiyay. Isagoo hada sii raacsaday waxa uu filaayo….Waxaa filaayaa inaad ila dareen santihiin halka aan rabo inaa abaaro oo ifiyo oona wax ka sheego! iyadoo weli lala yaabanyahay ayuu si halhaleel leh u raacshay hadalkiis,Waa maamul goboleedyada Beelaha dhulboobka wada….Kolkaan wax walba ku xisaabtanay oo aan hoos isla aadnay ma waxaan ka badin weyney in dhul aan kala boobno misna aan xudun uga dhigano Dastuur ayaa sidaa qaba iyo waa lagu heshiiyay.

Waa yaab aduun iyo Aduunyo yaabkeeda sow Soomaalidu kuma heshiin in salka qaab siyaasadeedka dalka uu ku dhisnaado 4.5 mise waan is yeelyeelaynaa!Sow tii la lahaa Dastuurka qodobkiisa maxay iyo maxay ayaa qaba maamul goboleed waxa noqon kara waa Laba gobol iyo ka badan goboladii uu kolkii horeba ka bilowday dagaalka Sokeeye ee dowladii reeraha Daarood ay ka samaysatay gudaha dhul beeleedyada kale?Ha sii ahaatee miyaa laysweydiiyay kalimadan Dastuurka ee ah Laba gobol iyo kabadan….Kabadantuse maxay tahay?Gudi ayaan dhisaynaa magac ayaan u bixinaynaa waan hagaajinaynaa oo waan howlgelinaynaa kadib ayaan xal keenaynaa kolkaasaan maareyneynaa sow uun “Alfa layl wa layl uun ma ahan!”ayuu ku soo koobay hadalkiis cid jawaab bixiso daayoo dhegaysigaa loogu roonaaday.

Hadaan u soo degto nuxurka kulankii Garowe sow uun ma ahan”Shinbiryahow heesa oo hees wanaagsan heesa”hadaanu sidaa ahayn maxaa nuxur lahoo kasoo baxay shirka? ayaa ruux kale weydiiyay dad ay isku fikir dhowaayeen oo ay goob ku wada shaahayeen.

Sida aan ku aragnay nuqulkii war murtiyeedka waa waxba heshiisyo oo ruuxii galay Ra’isulwasaare Yuulka shaqadaba looga eryay iyo reer hebel ma tagi karaan goobta shirka gobolada dhexe ee Cadaado sow uun ‘Ila qosol ma ahan”.ayaa jawaab looga dhigay ninkii su’aasha soo bandhigay.

Xasan Shiikh balan uu lagalo Cabdiweli Gaas inuu yahay “Afka baxay culays ma lahan”mooyee ma wax kalaan ku sifayn karaa ayay tiri gabar goobjoog u ahayd kulanka Garowe iyadoo sii raacisay hadaanay sidaa ahayn maxaa Heshiis loo dhihi waayay qoraalka waa taa warqada lagu qoray War Murtiyeede sow tani ma ahan “Janbal kale oo loo tuuray Reerka”loona markhaati gashtay markhaati ma galayaasha Sakiin iyo Madoobe.

Walee waa runtaa ii raaci Xasan Shiikh beri buu beenin doonaa dhamaan warkaan xitaa War Murtiyeedka,oo hadalkiisa kolkay beesheydu weydiiso ayuu wax kale sheegi doonaa ayuu wiil dhalin yaro ahaa oo wafdiga ka mid ahaa si hoose u yiri.

Isku soo wada duub Kulankii Garowe ma waanu Garxirkii ka furin Puntland oo ceebteedii caloosheed dhex taalay banaanka soo dhigin?.

Abdiaziz ShSalah
Lasoco Talaadada danbe hadii uu ALLE ka raali noqdo

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Labadii ruux oo dulmi iyo been ku heshiisa,waxay ku diriraan xaqa,cadaalada,sinaanta.

Comments are closed.