Boliiska South Africa oo xabsiga u Taxaabey In Ka Badan 3600 Ruux

0
26

South african policeBooliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay howlgalo dadka lagu soo qaqabanayo ka sameeyeen magaalooyinka waaweyn ee koonfur afirka ayagoo xabsiga dhigey dad tiradoodu kor u dhaaftey 3,900 qof oo ay ku jireen 1,650 qof oo si sharci darro ah ku joogay dalka.

Howlgallada ay sameeyeen booliska ayaa yimid hal bil kaddib markii dalkaas ay ka dhaceen rabshado la xiriira jinsi nacayb.

Laamaha ammaanka ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada ay ku beegsanayaan dadka sida sharci darrada ku jooga dalka iyo kuwa looga shakiyo falalka amni-darrada.

Si kastaba arintu ha ahaatee Koonfur Africa ayaa ah wadan si aad ah loogu dhibaateeyo ajaaniib u badan dalalka africa oo halkaasi ku heystey ganacsiyo, Kuwaasoo madowga koonfur Africaay ay u arkeen in ay yihiin dadka qaatey shaqooyinkoodii maadaama madowga wadankaasi u dhashey ay intooda badan ay yihiin shaqo la,aan.